Warbixin : Su'aalaha aan jawaabaha loo haynin ee diyaaradda la qarxiyay

Dhawaan diyaarad xamuul ayaa si dhakhso ah ugu dagtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyada oo uu ku yaalo duleel wayn oo qof rakaab ahna uu ka maqanyahay.
Xoogaa kaddib masuuliyiin dawladda faderaalka ah ee Soomaaliya ka tirsan ayaa sheegay in diyaaradda bambaano lagu qarxiyay laakiin su'aalo dhawr ah ayaan jawaabo loohaynin:

Yaa bamkaasi meesha dhigay?

Mid ka mid ah jawaabaha lahayo ayaa ah in ninka looga shakisanyahay qaraxa uu yahay isla ninka rakaabka laga dhex waayay ee kaddibna la xaqiijiyay in uu dhintay.
Laakiin ma ogin in arrintaasi xaqiiqo tahay.
Qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda ayaa sheegay in ninka la waayay lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdisalaan Boorle, uuna watay baasaboor Soomaali ah da'diisuna ay ahayd 55 sano.
Isaga iyo in badan oo ka mid ah rakaabka kalaba waxay ahayd in ay raacaan duulimaadka diyaaradda Turkish Airlines laakiin waa la baajiyay rakaabkiina waxaa sidaas ku qaadday diyaaradda Daalo.
Waxaa la isla dhex maray in ninkaasi uu gaariga curyaamada la socday marka uu diyaaradda raacayay laakiin madaxa shirkadda diyaaradaha ee Daalo Maxamad Yaasiin Colaad ayaa barnaamijka BBC-da ee News Day u sheegay in aan arrintaas la diiwaangalinin.
Dadkii baadhitaanada samaynayay ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay u badantahay in ninkaasi uu ka dhacay dhanka ay diyaaraddu ka duleesho ee uu qaruxu ka dhacay.
Isla maalintaas nin mayd ah oo dhulka yaala ayaa laga helay Balcad oo ah magaalo dhul beereed ku taala oo 30km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Muqdisho.
Image copyright
Image captionsu'aalo aan laga jawaabin ayaa wali jira

Bambaanadu siday ku gaartay gudaha diyaaradda?

Xukuumadda Soomaaliya ayaa siidaysay muuqaal ay ku sheegeen in uu muujinayo laabtoob ama kombiyuutarka gacanta oo lagu wareejinayo qof rakaab ah kaddib markii uu soo dhaafay goobtii laamaha ammaanku ay ku baareen oo gudaha garoonka ah.
Tan waxaa laga soo fasirtay in waxyaabo qarxa lagu xiray laabtoobkaasi.
Intaas kaddib dawladdu waxay xirtay labaatan ruux oo ay ku jiraan shaqaalihii garoonka.
David Learmont oo ah khabiir ku takhasusay duulimaadyada ayaa sheegay in laga shakiyi karo in muuqaalkan uu wax walba iftiiminayo.
Barnaamijka BBC Focus on Afrika ayuuna u sheegay in uu u malaynayo in qofina uusan hubin in laabtoobkaasi lala kala waregayo uu yahay bambaanadii ama wixii qarxay.
Image copyrightf
Balse wuxuu intaas ku daray in shaqaalaha garoonku ay yihiin meesha ay ka nugul yihiin ammaanka garoomada adduunka oo dhan.

Waa maxay sababta aysan bambaanadu saamayn badan u yeelanin?.

Duuliyihii diyaaradda ayaa wakaalada wararka ee AP u sheegay in haddii diyaaraddu ay hawada sare ku jiri lahayd ay qarxilahayd.
David Denman oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha bambaanooyinka ayaa sheegay in walaxda qaraxda ee laabtoobka lagu xiri karo amaba midka taas ka sii yar ay sababikarto dhibaato wayn.
Wuxuu sheegay in duleelka uu qaraxaasu sababo uu keeni karo dhib wayn haddii ay diyaarado ku jirto joog sare, arrintaas oo keenaysa in duleelku waynaado oo duuliyuhuna xakamaynwaayo diyaaradda taas oo sababi karta in diyaaraddu cadcad u kala go'do.
Laakiin taas badalkeeda qaraxu wuxuu dhacay qiyaastii 15 daqiiqo kaddib markii ay diyaaraddu kacday iyada oo dhulka ka fogaatay 3,350 mitir.
Arrintaasi waxay sababtay in ay diyaaraddu duleeshanto 1 mitir laakiin duuliyaha ayay u suurtagashay in uu si nabad ah diyaaradda ku dajiyo.
Su'aasha meesha imanaysa ayaase ah waa maxay sababta uu qaraxu ugu soo beegmay marka uu qarxay?.
Jawaabta su'aashaasi suurtagal maha ah iyada oo aan lala hadlin dadkii qaraxaasi ku lugta lahaa.

Muxuu qofina u sheegan waayay masuuliyadda qaraxaasi?.

Cabdiraxmaan Koronto oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa tilmaamaya in la sheegan lahaa haddii ay saamayntu intan ka badan lahayd.
Wuxuu intaas ku daray in ururka Al-shabaab ay saacado gudahood ku sheegtaaan marka ay wax qarxiyaan.
Al-shabaab ayaa qarax laabtoob loo adeegsaday gaysaty saddex sano kahor. laakiin midkaasi dhacay saddex sano kahor waxaa weheliyay qarax gaari loo adeegsaday waxaana ku dhintay lix ruux.
Dhanka kalana wuxuu sheegay in ay jiraan weeraro aysan cidina sheeganin. bishii 12 ee sanadkii 2013 saddex dhakhtar oo Suuriyaan ah iyo qof la socday Soomaali ah ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah kaas oo ay Al-shabaab iska fogeeyeen.

Xigasho : BBC somali
Developed by Jago Desain