Waxgaradka Puntland oo dhaliilay dibad baxii maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee khasaaraha gaystay

Waxgaradka Puntland ayaa dhaliilay dibad baxii maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland kaas oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Nabadoonada Gobolka Bari Nabadoon xarago ayaa sheegayin ay aad uga xunyihiin wixii maanta ka dhacay Boosaaso, isagoona sheegay in waxagrad ahaan aysan taageersanayn wax yaabaha noocaas ah.

Nabadoon Xarago ayaa ku baaqay in wax walba xal laga gaaro maantana aan la joogin xiligii ay dhici lahaayeen dibad baxyo carqaladaynaya nabada iyo horumarka Puntland.

Garaad Cabdulaahi Cali Ciid Afhayeenka Isimada Puntland oo Boosaaso ku sugan ayaa dhankiisa sheegay inuu ka xunyahay dibad baxa rabshada wata ee Boosaaso ka dhacay maanta, waxaana uu sheegay iin bulshadu ay kaalintooda ka qaataan sidii nabadgalyada loo sugi lahaa.

Garaad Cabdulaahi Cali ayaa dhanka Dawladda Puntland ugu baaqay inay xakamayso arrimaha jira dadkana ay dhagaystao hadii ay dacwad qabaan.

BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Developed by Jago Desain