Posts

Akhriso: Shirkii Golaha wasiirada Puntland oo looga hadlay sida looga Hawlgalayo hagaajinta iyo samaynta wadooyinka Gobolka Gardafuu

shirkii golaha xukuumada puntland oo uu shir gudoominayay madaxwayne ku xigeenka puntland ahna ku simaha madaxwaynaha ayaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada amniga , xaalada Gobolka gardafuu , iyo xaladihii ugu danbeeyay ee abaaraha.

Golaha xukuumada puntland ayaa shirkoodii waxay ku dheeraadeen xaalada wada xumo ee ka taagan gobolka Gardafuu oo kamid ah gobolada ugu faca wayn gobolada Puntland asagoo leh dhismayaal ku taariikhaysan 1700 sano ka hor. Gobolka ayaa waxaa dhibaato wayn u gaystay duufaanihii ku dhuftay ,isla markaana jaray wadooyinkii halbowlaha u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka.

madaxwayne ku xigeenka puntland ayaa u sheegay Golaha inuu dhawaan soo bandhigi doono sida looga Hawlgalayo hagaajinta iyo samaynta wadooyinka Gobolka Gardafuu

halkan hoose ka daalaco warmurtiyeedkii iyo sawiradii shirka






Developed by Jago Desain