Posts

Fadhigii ugu dheeraa ee xildhibaanada baarlamaanka yeeshaan oo maqribkii soo dhamaaday iyo mooshin la gudbiyay

Fadhigii ugu dheeraa ee xildhibaanada baarlamaanka yeeshaan, ayuu ahaa
fadhigii maanta (Arbaco) ay xildhibaanada ku yeeshaan Muqdisho, kaasoo
Ra'iisul wasaaraha, wasiirkiisa amniga iyo taliyaha nabadsugida iyo
sirdoonka looga dhageysanayay jawaabaha su'aallo ay weydiinayeen
xildhibaanada.

Kulankaan oo soo idlaaday maqribnimadii caawa ayaa waxaa su'aallo
kulul lagu weydiinayay intooda badan wasiirka amniga C/risaaq Cumar
Maxamed iyo taliyaha nabadsuida C/raxmaan Tuur Yare oo labadii kulan
ee hore baarlamaanka hor imaan waayay.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in lagu fashilmay amniga, waxaana
Xildhibaanada qaarkood u soo jeediyeen Taliyaha Nabadsugida inuu is
casilo, maadaama ay ku doodeen in uusan aqoon u laheyn howsha
nabadsugida iyo sirdoonka.

Sidoo kale, inta ay dooda socotay ayaa xildhibaanada qaar waxay
gudbiyeen liis ay ku saxiixan yihiin tiro xildhibaano ah oo mooshin ka
dhan ah Jen. Tuur Yare iyo in uu ku fashilmay howsha loo dhiibay.

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida ayaa la sheegay in su'aalaha
ugu badan laga weydiiyay arrimaha ammaanka, waxaana labada Mas'uul ay
ahaayeen kuwo iska difaacayay su'aalaha adag ee uga imaanayay
Xildhibaanada.

27 xildhibaan ayaa dhiibtay fikradooda, su'aalana weydiiyeen Ra'iisul
wasaaraha, wasiirkiisa amniga iyo taliyaha nabadsugida.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kulanka khamiislaha ah ee golaha
wasiirada in beri loo baajin doono dooda baarlamaanka oo weli qabyo
ah, si loo sii amba qaado isla markaana beri ay mar kale hor imaan
doonaan ra'iisul wasaaraha, wasiirka amniga iyo taliyaha nabadsugida
si loo sii dhameystiro dooda xildhibaanada.

BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Developed by Jago Desain