Hablaha Geeska Afrika: Maansada #Hadraawi iyo Maalinta #Haweenka ee #8Maarso

Hablaha Geeska Afrika: Maansada Hadraawi iyo Maalinta Haweenka
Waa mid kale oo ka mid ah suugaanta faraha badan ee uu Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame kaga hadlay qiimaha iyo qaayaha hablaha Soomaaliyeed, kuwa Africa iyo
guud ahaanba haweenweynaha dunida. Waxa ay soo baxday hilaaddii 1977-kii, xilli uu Abwaanku ku xidhnaa xabsiga Qansaxdheere oo uu muddo 5 sannadood ah ugu jiray dulmigii nidaamkii Maxamed Siyaad Barre. Dabayaaqadii 1970-naadkii ayaa waxa heestan laxan iyo naaxiyad ku ladhay Fannaankii Sayid Khaliifa oo isla markaasna codkiisa ku qaaday.
Maadaama 8da Maarj ee sannad kasta lagu muuneeyo kaalinta iyo kaalmaha mudan ee haweenka adduunka, heestan waxaannu u soo qaadannay inaannu ku xusno kaalinta hooyooyinka iyo hablaha caalamka – labadaraale kuwa Soomaaliyeed iyo kuwa geeska Africa.


Ma geyoon ma gamashiyin
Ma gommodin ma gaaggixin
Ma gabloolin maan gudhin
Mana gabin halkaygii
Gabaygiina maan deyn
Geeraarradaydii
Imminkaan gardaadshoo
Weli maan gunaanadin.

Murti nimaan gunteediyo
Baran gogol-dhiggeedoo
Gonda degi aqoonnoo
Garab-daar lahayn baa
Gawlgawla hadalkoo
Kolba dhinac garoocdee
Sida Webi Ganaanoo
Cirka godollo maaloo
Biyihii ku gaaxdiyo
Gebiyadi ku soo degey
Ku darsaday gufaaciyo
Guulaamo diriroo
Galli jabay habeenkii
Kolba gacan ma soo rogey,
Qudhaciyo galoolkii
Gunta xididka maw jaray
Dhulka wada galaal iyo
Gabbalaha ma kaga tegey.

Afartaa geddaydii
Dhaha laygu garan jirey.

Gurmashada dagaalkiyo
Gulufkiyo colaadaha
Goobaha naf waagiyo
Halka laysku gawraco
Marka gorodda lays daro
Haddaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayn,
Sida galowga dhiilloon
Illaa geesi qayrkii,
Birta kuma gumaadeen ?


Gu' hagaagey oo da'ay
Dhulka geedo jiifaan
Gurya-samo barwaaqa ah
Haddii geeddi lagu furo
Dhallinyaro is gurataa
Gurdan-raaca fiidkii
Gole weyn ku kulantoo
Cagta garan-garteediyo

 Isu geysa jiibkoo
Googooska luuqdiyo
Gedda sacabka loo jaro
Hablahaa u gaaroo
Garashada codkoodaa,
Qof gaboobey kicisoo
Gelbiskiyo mashxaraddaa
Gama' kaa ilaashee,
Haddaan gabadhi boodeyn
Illaa gegi ciyaareed
Wax ma dhaanto geriyaad ?

Haddaan guudka laga jirin
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin
Marwo dumar garka u xidhan,
Illaa guri dugsoon ma leh ?

Gaadaha habeenkii
Kelidaa galgalashiyo
Ged-geddoonka dhalisoo
Adigiyo go'aagaa
Hadba dhinac u guuroo
Barkintaad gabbood iyo
Gaashaan ka dhigataa,
Haddaan guud haldhaaley
Kolba gacan la saarayn,
Illaa gogoshu wehel ma leh .

Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo

Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee,
Haddaan gaari kula jirin
Illaa noloshu guul ma leh .

Go'i waa barbaareey
Gobi waxay ku dhaqantaa
Garab waxay ka dhigataa
Gallad waxay ku dheeftaa
Samo waxay ku gaadhaa
Gololada haweenkee,
Hiddaheenna gaarka ah
Hablihii gabawgiyo
Geerida ku sugi jirey,
Hablihii garayskiyo
Xidhan jirey guntiinada

 Hablihii gu' iyo dayr
Sida baarqab golongolay
Dhexda xadhig ku goyn jirey,
Hablihii garaaraha
Gaatan-socodka laafyaha
Sida gorayga ciideed
Gelbin jirey tallaabada,
Hablihii gun iyo baar
Isha gacalo-eegtaa
Gama' aanay ledi jirin,
Hablii talada guunkiyo
Gunti jirey xishoodkee
Hadalkoodu gaabnaa;
Hablihii gef hooyiyo
Qarsan jirey guhaaddee
Hadday goddollo soomaan
Ama gaajo liitaan
Cidi aanay garan jirin,
Hablihii gammaan faras
Iyo geela ugubka ah
Guur-doon ka bixin jirey,
Hablihii Gargaariyo
Guleed ku curan jirey,
Goldaloolo iyo ceeb
Hablihii ka guban jirey,
Hablahaan gankoodiyo

Hilbahooda gadan jirin,
Haddii aad gumeysaan
Guul guul ku laysaan,
Gelin qudha ku mooddaan
Gabbalkooda dumisaan
Hadba tooda goosha ah
Ganacdeeda jebisaan,
Dadku gabanno-xooriyo
Garacyaley yidhaahdaan,
Innagoo gumowniyo
Dhaqan guurey weeyee.

Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga gol-leeyahay
Godob aabbe falay baa
Ubadkiisa gocondhiyo
Gumar shidan ku noqotoo
Gebi dheer ku dumisee
Ninka inan ma-geyda ah
Gurrac kaga danaystee
Gol-qaniin ku maalow,
Gefka aad falaysiyo
Waxaad gaaxsanaysiyo
Gashigaad cunaysaa
Ruuxay ka go'antahay
Gabadhaada weeyoo,

 Xumahaad geleysiyo
Waxaad geysanaysaad,
Galab kale ka sheekayn.

Gebagebada sheekada
Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiyo jiiftada,
Hablo weerar geli kara
Hablo geesi dili kara
Gobanimona hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mid ah
Quruxdana ka wada goba,
Geesteenna mooyee,
Geyi kale ma joogaan!
F.G. Tixdan waxaannu ka soo xigannay Diiwaanka Maansada Hadraawi ee HAL KARAAN © 1993.
Developed by Jago Desain