Posts

Maamulka Ahlu Sunna oo shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen Liibaan Madaxweyne

Maamulka Gobolada Dhexe (Ahlu Sunna), ayaa shaaca ka qaaday inay
gacanta ku soo dhigeen Sarkaalkii Dowladda Somaliya ka soo goystay,
isla-markaana bishii September isu soo dhiibay Maamulka Ahlu Sunna.

Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow oo ka tirsan Saraakiisha Ahlu Sunna, ayaa
shaaca ka qaaday in Liibaan Maxamuud Yuusuf la qabtay, xilli uu ku
dhaawacmay dagaalkii maanta.

Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow oo la hadlay Warbaahinta, ayaa xusay in
Sarkaalkaasi uu ka dhaawacmay lugta midig, waxaana hadda la geeyay oo
lagu daaweynayaa buu yiri isbitaalka.

Xeefow wax faah faahin ah kama bixin wixii ay Ahlu Sunna ka yeeli
laheyd Liibaan Madaxweyne, haddiiba ay ku tuhmayaan inuu ka dambeeyay
dagaalkii xalay illaa maanta ka soconaayay Dhuusamareeb.

Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay in 12 ruux ku dhimatay dagaalka, halka
tiro kalana ay ku dhaawacantay. 11 ka mid ah dadka dhaawacmay waxaa la
geeyay Isbitaalka Istarliin ee Magaalada Guriceel.

Dhaawacyo kaloo badan, ayaa waxaa la seexiyay Isbitaalka Guud
Dhuusamareeb. Dadka qaarkood waxay qabaan dhaawacyo culus.

Waxaa galabta degan xaaladda guud Magaalada Dhuusamareeb, inkastoo
Magaalada laga dareemaayo saamaynta uu ku reebay dagaalka istaagey
duhurnimadii maanta.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain