Posts

Natiijadda doorashadii Madaxtinimo ee Dalka Koongo oo lagu dhawaaqay

Guddiga doorashada dalka Koongo ayaa ku dhawaaqay in dorashadii dalkaasi kas dhacday uu ku guulaystay M/weynaha talada wadanka haya ee Denis Sassou Nguesso la yiraahdo.

Guddiga doorashadu waxay sheegeen in M/weynuhu uu helay in ka badan 60% codadkii la dhiibtay taasoo ka dhigan inuu xafiiska sii joogi doono M/weyne Denis.

Musharaxa kusoo xiga ayaa helay 15% codadkii dadku dhiibteen sida laga soo xigtay wasiirka arrimaha gudaha dalka Xalay saq dhexe inta aysan natiijadaan soo baxay 2 xisbi mucaarad ah ayaa ku dhawaaqay inay qaadaceen doorashada oo ay ku sheegeen in lagu shubtay.

Madaxweyne Denis Sassou Nguesso aya xafiiska joogay tan iyo sanadkii 1997 markaasoo uu dib ugu soo laabtay.

BAARGAAL.NET
Wixii talo iyo tusaale ah fadlan nagala soo xiriir
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain