SAWIRO: Wasaradda Haweenka Puntland oo Dhamaan Gobolada Puntland ku qabatay kulamo looga hadlayo horumarinta haweenka

Wasaradda Haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland ayaa maanta oo Axad ah ku qabatay dhammaan gobaladda Puntland kulamo wacyi galin ah kuwaasoo la xiriira xuska 8-Maarso kulamadaas oo looga doodaayay caqabadaha hor taagan haweenka iyo guulaha ay haweenku ka gaareen arrimaha waxbarashada,siyaasadda iyo arrimaha la xiriira bulsahdda.

Barnaamijkan ayaa waxay wasaaradu ku qabatay xarumaha wasaaradu ku leedahay magaalooyinka Baargaal, Bosaso, Dhahar, Qardho, Buuhoodle, Booame, Galkacyo, iyo kii ugu waynaa oo lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaradda haweenku ku leedahay magaalada Garowe ee caasimada puntland iyadoo kasoo qayb galeen xubno ka socday Hay’addaha caalamiga ah ee wasaradda la shaqeeya, gudoomiyaasha haweenka ee gobaladda iyo hooyooyin kale.

Kulankan Ahmiyadiisa ayaa lagu tilmaamay inay tahay xaqiijinta dowrka haweenka ee horumarinta xagga bulshada iyo guulaha ay gaareen, wuxuna qayb ka yahay barnaamijka 8-da Maarso oo tan iyo billowga bishaan wasaraddu waday u diyaar garowga iyo kulamo lagu gogal xaarayo.

Sarkaalka ugu sareeya Xafiiska QM u qaabilsan arrimaha haweenka ee Puntland oo ka hadlay munaasibada ayaa waxa uu taageeray dadaalada wasaradda haweenka ee ay ku horumarinayso haweenka Soomaaliyeed waxa uuna sheegay inay mar kasta ku garab istaagayaan.

Ugu danbayntii wasiirka haweenka Aniso Xaaji Muumin oo kulanka soo xirtay ayaa haweenka ku dhiirigalisay inay mar kasta mideeyaan aragtidooda la xiriirta muujinta awoodooda iyo aqoontooda, waxay sheegtay in aan guul lagu gaari karin ilaa haweenku ay muujiyeen waxay xaqa u lee yihiin diintuna u fasaxday.

Wasiir Aniso Xaaji Muumin ayaa qirtay wasaradda oo kaliya inaysan waxba qaban karin hase yeeshee ay mar walba u baahan tahay garab istaaga haweenka Puntland, waxayna balan qaaday inay meel kasta u gali doonaan sidii aqoonta iyo garaadka haweenka kor loogu qaadi lahaa.






Developed by Jago Desain