March 08, 2016

WASARADDA HAWEENKA OO XUSTAY MAALINTA HAWEENKA ADDUUNKA & MADAXWAYNE KU XIGEENKA OO KA QAYB GALAY

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta March 8, 2016 magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland kaga qayb galay Munaasibad lagu xusayey maalinta Haweenka Adduunka oo sannadkiiba la xuso maanta oo kale 8-da maarso.

Munaasibadda ayaa waxaa kasoo qayb galay guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirro, Xildhibaano, odayaal dhaqameed, xubno meteleyey beesha Caalamka, boqollaal Haween ah iyo Wasaaradda Haweenka Dawladda Puntland oo iyadu soo qaban-qaabisay Munaasabadda.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in haweenku ay yihiin laf-dhabarta ummad walba, isla markaasna sheegay in maalintani ay muhim u tahay haweenka Adduunka, sidoo kalena uu aad ugu faraxsan yahay in uu kala soo qayb galo xuska maalintan haweenka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa xusay qiimaha ay leedahay in la’ ilaaliyo xuquuqda haweenka isagoona sheegay in haweenka ay Diinta Islaamku siisay xuquuq dhammaystiran taas oo aan cidkale siin karin.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu dambayntii kula dar-daarmay haweenka Puntland in ay sii wadaan ka-qayb qaadashada horumarka iyo nabadda Puntland maadaama ay horeba uga shaqayn jireen.



—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_1975IMG_1984IMG_1986IMG_1993IMG_1995IMG_2027IMG_2034IMG_2035IMG_2037IMG_2050IMG_2054IMG_2059IMG_2064IMG_2069IMG_2071IMG_2073IMG_2075IMG_2078IMG_2093IMG_2101IMG_2109IMG_2112
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner