Xaflad Sagootin ah oo Loo Qabtay Ardayda ka Qalin Jabinaysa sanad dugsiyeedkan Dugsiga Sare ee Degmada Baargaal(Sawiro)

Xaflad Sagootin ah oo Loo Qabtay Ardayda ka Qalin Jabinaysa sanad dugsiyeedkan Dugsiga Sare ee Degmada Baargaal(Sawiro)
Xaflad Sagootin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo qabtay Dufcadii kowaad ee ardayda ka qalinjabinaysa sanad dugsiyeedkan Dugsiga sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal ayaa lagu qabtay dhismaha dugsiga sare ee Degmada.

Waxaa xaflada kasoo qaybgalay dadweyne aad ufara badan oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Baargaal, si ay ula qaybsadaan farxada ardayda qalinjabinaysa sida: masuuliyiinta Gobolka oo uu horkacayay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu C/qaadr Maxamed Yuusf iidi , Masuuliyiinta Degmada oo uu horkacaayay Gudoomiyaha Degmada Abuukar Axmed Yuusuf , mas’uuliyiinta waxbarashada degmada, macalimiinta ka hawlgala iskuulada magaalada kuyaala, waalidiinta, iyo ardayda wax kabarata Dugsiga sare ee Degmada Baargaal.

wacdi iyo aayado qur’aan ah oo lagu furay xaflada kadib waxaa xaflada lagu bilaabay gabay iyo khudbooyin Carabi iyo English ah oo soo dhawayn ah oo ay soo jeediyeen ardayda iskuulka wax ka barata kuwaas oo marti sharaftii kasoo qaybgashay ay aad ugu riyaaqeen.

waxaa ardayda ku xigsaday oo ka hadlay xaflada maamulaha Dugsi sare ee Baargaal maxamuud Muumin wuxuuna mahad balaaran usoo jeediyey dhamaan marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada sida firfircoonida,ah ee ay uga qaybqaateen xaflada.

Waxaa sidoo kale xaflada ka hadlay Mas’uuliyiin , culamaaudiin , marti sharaf iyo aqoonyahanka deegaanka oo aad u badan, dhamaana waxay soo dhaweeyeen qalin jabinta ardayda ayagoo u hambaleeyay Dhaamn ardayda sanadka qalinjabinaysa madasha ka jeediyay khudbado u badnaa dardaaran iyo dhiirigelin.

Xafladda Sagootinta ahayd ayaa waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Macalimiinta iyo maamulka dugsiga iyo gudiga waxbarashada iyo Gudoomiyaha Gobolka gardafuu oo Door wayn ka qaatay qabanqaabada Xaflada

Degamada Baargaal ayaa waxaa ku soo badanaya tirada iskuulada iyo Xarumaha Waxbarashada ayada oo ay dhalinyaraduna inta badan ku dadaalayso xaga waxbarashada.






















































Shabakada Baargaal.net
sha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com


Developed by Jago Desain