Posts

Madaxweyne xasan sheekh: Waalidiinta ha soo doontaan caruurtii Shabaabka ahaa ee Galmudug iyo Puntland lagu qabtay

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Somaliya ayaa tilmaamay waalidiinta
Somaliyed ee caruurtooda lagu qabtay duulaankii Shabaabka ay ku
qaadeen deeganada Puntland in laga doonaayo inay soo doontaan
caruurtooda oo ay iska daayaan cabsida.

Madaxweynaha wuxuu sheegay caruurtaasi inay yihiin kuwa ay soo qaldeen
Shabaabka, islamarkaana Maamuladii gacanta ku dhigay si wanaagsan ay u
la dhaqmeen.

"Waalidiinta waxaan leeyahay cabsida iska daaya soo doonta
wiilashiina, caruurtiina soo doonta u imaada, cunugii shalay lagaa
xaday ama lagaa xoogay, maanta waa wiilkaagi Dowladaadi ayaa gacanta
ku haysa u imoow, oo u keen dareenkii waalidnimo ee shalay ay ka
dhumiyeen, ilmahan yar yar ee aanan qaan gaarin waxa ay u baahan
yihiin qalbigii waalidinimo iyo caadifnimadii waalidnimo, waalidiinta
caruurtaasi laga soo xaday waxaan leenahay caruurta u imaada arka sida
ay u nool yihiin."Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya ayaa ku eedeeyay Saraakiisha Shabaabka inaysan
daacad ka aheyn dagaalada ay wadaan, maadaama aysan caruurta ay
qaldeen u raacin deeganadii ay u direen, taasina ay muujinayso
fulaynimadooda waa sida uu yiri Madaxweynaha.

"Boqolaalka dhalinyarada ah ee la qalday dadkii diray waa fulayo
gadaal ayuu ku ganbanayaa jiqda iyo geedaha dhexdooda, ha ogaadaan
waalidiinta Somaliyed iyo walaalaha waa fuleey muu soo raaco oo uu ku
dhex jiro, hadiiba caruurta uu soo lugooyay, wuxuu ku soo lugooyay uu
aaminsan yahay, Dowladda Somaliya ma aysan ilaawin masuuliyadii
Maamuladii gacanta ku qabtay xanaano gaar ah dadaal gaar ah iyo
wacyigelin gaar ah ayeey u baahan yihiin, caalamka Somaliya ha u soo
jeesto oo Somaliya haka kaalmeeyo."

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain