Saynisyahano ka digay in la rabbaayadaysto Bisadaha lagana qaado cudur maskaxda asiiba oo halisa

Saynisyahano ka digay in la rabbaayadaysto Bisadaha lagana qaado cudur maskaxda asiiba oo halisa
qaar kamida Saynis yahannadada caalamka ayaa shaaca ka qaaday in dadka rabbaayadaysta bisadaha ama yaanyuuraha lala xiriirshay cudur maskaxda ku dhaca oo lagu magacaabo “schizophrenia”, oo ah cudur qofku walwal , walaac, cabsi,iyo maskaxdiisoo buuq ku furmo

Daraasad lagu daabacay HuffingtonP Post waxaa lagu sheegay in dadka laga daaweeyay xanuunkaasi ay badankood guryohooda ku rabbaayadaystaan bisado.

Daraasaddan waxay kaloo waafaqday mid la sameeyay sanadkii 1982-dii oo la sheegay qof walboo xanuunkaasi laga daaweeyay inuu bisad xannaanaysto.

Xanuunka Schizophrenia waa xanuun waqti badan jira oo wata walaac, isla hadal, iyo inay kuu dhawaaqayaan wax aan jirin.

Dhaqaatiirtu waxay sheegeen oo kale in dulin (Parasite) laga helo bisadaha oo lagu magcaabo Toxoplasma gondii, uu sabab u yahay xanuunkaasi Fuller Torrey, oo ah cilmi baare ka tirsan Stanley Medical Research Institute in xanuunkan uu inta badan dhallinyarada ku dhoco.


Developed by Jago Desain