August 07, 2016

Wasiir Saaxiib la ah Madaxweynaha Soomaaliya oo Caawa isku day dil ka badbaaday ka dib markii Qarax

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux ayaa caawa ka bad baaday bam gacmeed lagu weeraray Carwo uu ka dukaameysanayay oo ku taala Wadada Maka Al-Mukarama.

Sida ay sheegayaan wararka bamka lagu tuuray agagaarka Carwada uu wasiirka ku sugnaa, waxaana ka dib rasaas furay Ilaaladiisa.

Carwada uu ka dukaameysanayay wasiirka ayaa ku taal agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama, halkaasoo ay ku yaalaan carwooyin lagu iibiyo dharka, iyo agabyada kale..

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxa, waxaana markii qaraxa dhacay qal qal ku yimid goobihii ganacsiga ee ku yiil wadada iyo isu socodkeeda.

Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Xasan Nuux oo la hadlay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in aanay waxyeelo ka soo gaarin walxaha qarxa ee lagu weeraray.

Qaraxa kadib ayaa goobta waxaa soo gaaray Ciidamo Boolis ah, kuwaasoo goobta xiray illaa intii Wasiirka uu ka tagay.

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner