Xog: Dhismaha aqalka sare ee BF oo ay u badan tahay in la laalo

Xog: Dhismaha aqalka sare ee BF oo ay u badan tahay in la laalo



Waxaa socda wada-hadallo hoose oo u dhaxeeya madaxda madasha qaranka oo looga hadlayo in dhismaha aqalka sare dib loo dhigo, ayada oo xubnaha qaar ay doonayaan in aqalka meesha laga saaro, ayagoo ku andacoonaya in uu noqday caqabad haysata in la gudo galo doorashooyinka qaranka ee 2016.

Arrintan ayaa waxaa si aad ah u doonayaa madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed,Cabdikariim Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo diidan xubnaha dheeriga ah ee la siiyey Puntland.

Madaxweynayaasha dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa doonaya in aqalka sare aan meesha laga saarin , ayagoo ku andaconaya iny horay tanaasulaad badan u sameeyeen waxaana laga yaabaa inaay diidaan in wax isbadal ah lagu sameeyo qorshaha doorashooyinka oo si adag lagu ansixiyay

Go’aanka rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu gaaro kulanka xubnaha madasha ee 7-da bisha September.

Developed by Jago Desain