Ciidamada Badda ee dalka iiraan oo Sheegay inay ka Hortageen Weerar Burcadbadeed

Ciidamada Badda ee dalka iiraan oo Sheegay inay ka Hortageen Weerar Burcadbadeed
Ciidamada badda ee dalka iran ee ka tirsan isbahaysiga la dagaalanka Burcad badeeda ee xeebaha soomaaliya ayaa sheegay inay ka hortageen weerarao ay kooxo burcadbadeed ku qaadeen laba doonyood oo ganacsi ah oo marayay gacanka cadmeed oo laga leeyahay dalka iiraan subaxnimadii isniinta

War qoraal ah oo ay soo saareen Ciidamada iran ayaa lagu sheegay in burcad badeeda soo weerartay labada doonyood ay wateen ilaa 21 saxiimadood waxayna ka yimaadeen xeebaha Soomaaliya ayagoo ku weeraray doonyaha meel  85 ama 100 km koonfur ka xigta magalada Cadan ee dalka Yemen.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kooxda 44 ee ciidamada badda iiraan ay si xoog ah ugu fureen rasaas kooxo Burcad Badeeda ayna ku guulaysteen inay ka hortagaan weerarkooda

War saxaafadeedka ayaa intaasi ku daray in maraakiibta dagaalka ee Iran intii ay ilaalada ka hayeen xeebaha gacanka ay ku guulaysteen inay badbaadiyaan in ka badan 3 kun oo maraakiib ganacsi iyo kuwa shidaalka qaada oo laga leeyahay dalka Iran iyo dalal kale.


Dhinaca kale dalka iran ayaa kamid ah dalalka kaalinta koowaad kaga jira doonyaha xaalufka ba'an ku hayaha xeebaha soomaaliya iyagoo ka wada kaluumaysi sharci daro ah oo loo aaneeyo inay sabab u tahay weerada burcad badeeda 


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horrumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain