Madaxda maamul Goboleedyada oo Qandaraaskii koowaad ee Doorashada 2016 ka Soo qaatay Dubai




Kulamadii qarsoodiga ahaa ee dalka Imaaraadka Carabta ku lahaayeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi ayaa soo dhammaaday.

Wararka laga helayo magaalada Dubai ayaa sheegaya in ujeedka shirka uu ahaa wadatashi ku saabsan doorashada 2016 iyo qorshe ay wadatay Imaaraadka Carabta oo dano waaweyn ka leh Soomaaliya.

Qandaraaskii koowaad ee Doorashada 2016 ayay dowladda Imaaraadka Carabta siisay madaxda maamulada dalka iyadoo loo balanqaaday kharashaad kale haddii wejiga koowaad ee qandaraaska fuliyaan

Qorshahan Imaaraadka ayaa ah in Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya laga hor istaago inay soo galaan xubnaha ka tirsan kooxda Damjadiid iyo taageerayaasha madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana madaxda maamulada dalka laga rabaa inay xaqiijiyaan arrintan oo ay ku heleen dhaqaale hordhac

Qorshaha labaad ee Imaaraadka oo ku xiran fulinta qorshaha koowaad ayaa dib loo dhigay, isagoo ku saabsan laba musharax oo xilalka madaxwaynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ka noqon doona dawlada cusub

Madaxweynayaasha maamulada ee shirka Dubai ka qayb galay waxaa ka mida:

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali maxamed cali Gaas,

madaxwaynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed,

madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble

madaxwaynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo

madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Developed by Jago Desain