BBC World Service oo Barnaamijyo Cusub kusoo kordhisay Jadwalkeeda Baahinta

BBC World Service oo Barnaamijyo Cusub kusoo kordhisay Jadwalkeeda Baahinta

Laanta BBC-da qaybteeda la hadasha caalamka ayaa qorshaynaysa in adeegyo cusub ay ku soo kordhiso idaacad-da ka dib markii dowladda Ingriiska ay ku dhawaaq-day maal-galin cusub oo lagu balaarinayo BBC-da.

Barnaamij-yadan cusub ee ay bilaabayso BBC-da waxaa kamid ah kuwa ka hadlaya sayniska ,hal abuurka iyo doodo caalami ah oo loogu tala-galay in ay gaadhaan malaayiin qof oo ku kala nool daafaha dunida.

“BBC-du waa il lagu kalsoon-yahay oo laga helo warar iyo macluumaad badan ,kuwaasi oo gaara dhagaystayaasheena, waqtigan la joogo waxaa jira adeegyo cusub oo aan soo kordhinay ,xilli isbadal caalami ah oo adduunka oo dhan ahi uu jiro “ ayuu yidhi Mary Hockaday oo ah kormeeraha BBC-da qaybteeda luuqad-da Englishka.

“Maal-galintan cusub wax ay na siinaysa fursad-da ah inaan hagaajino jadwalkeena shaqo ,innaga oo sii daynayana barnaamijyo badan ,kuwaasi oo ka tarjumaya rabitaanka dhagaystayaasheena oo heli doona warar waa weyn


BAARGAAL.NET
isha wararka HOrumarka Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain