Posts

Dawlada Mareykanka oo sheegtay in la ciqaabi doono Somaalida haysta dhalashada Mareykanka ee ku lug yeesha musuqmaasuqa Doorashada Somaaliya


Xafiiska howlgalka Dowladda Mareykanka ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa
digniin adag u dirtay Soomaalida heysta dhalashada DalkaMareykanka ee ku howlan Arrimaha doorashooyinka Dalka Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka Xafiiskaan ayaa lagu xusay in Mareykanka uu talaabo adag ka qaadi doono Muwaadiniinta Soomaali-Mareykanka ah, hadii lagu helo ku lug la haanshaha musaq maasuqa hareeyay doorashooyinka Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Shalay la dhaariyay qaarkood ayaala aaminsan yahay in ay heystaan dhalashada Dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale dhaliilsan nidaamka doorshooyinka Dalka maadaama ay soo ifbaxeen musuq maasuq baahsan oo ka dhex jira Doorashooyinka 

Dhawaan ayey aheyd markii Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ay shaaca ka qaaday in Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad uu ku soo baxay handaad, afduubka Ergada iyo bixinta laaluush.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain