March 15, 2017

MAQAAL : Xuquuqda Diinta Islaamku siisay Gabdhaha iyo qayla dhaanta Galbeedka | waxaa qoray Bootaan Muuse



Waqtiyadaan danbe waxaa aad u badan in dumarka lagu booriyo inay kacaan oo xuquuq kamaqan ay raadsadaan  waxaana loo tilmaamaa in ay raga isku dheririyaan oo madalkasta oo ragu uu ka muuqdo ay ka muuqdaan iyadoo aan loo eegin maku haboontahay mase maya,waxaa lagu guubaabiyaa inay yihiin baniiaadam sidaas darteedna ay xaq u leeyihiin in ay raga la tartamaan.

Arimahaan badankood waxaa ka danbeeya dadka gaalada ah oo doonaya in ay bulshada islaamka ah akhlaaqiyaadkooda burburiyaan, waxaa ku jira nooc afkaar ah oo dadka lagu tusayo in islaamku uu dumarka xaqiray, waxayna ka duulaan meelo badan sida 

dhaxalka, joogista guriga, asturnaanta oo ay u turjumaan in meel kadhac lagu sameeyey dumarka.

Diinteena islaamku qofkasta xaqiisa ayey siisay dumarkuna waa kamid weliba si khaas ah ayey dumarka u tix gelisay maadaama ay dumarku ka nugul yihiin raga.

Wiilasha iyo gabdhaha waxaa dhalay aabe iyo hooyo, waxaa la amray kuwa wax dhalay inay u cadaalad sameeyaan caruurtooda wiilal iyo gabdhaba oo ay ka simaan quudinta dharsiinta iyo tarbiyada iyo tacliinta majirto wax sigaara loo yiri wiilka u qabta.

Maadaama dabciga qofka biniaadmiga ku abuuran uu yahay  wiilal jacayl ayaa sigaara  nabigeenu naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahtee uu uga dardaarmay gabdhaha oo yiri:

(qofkii u quma laba gabdhood ilaa ay ka qaangaaraan maalinta qiyaamaha aniga iyo usaga waxaan imaanaynaa anaga oo ah sida labadaa farood, wuxuuna nabigu isku lamaniyey labadiisa faarood)

Qofkii iska xilsaara gabdhaha oo hagaajiya noloshooda iyo tarbiyaddooda abaalkiisu waa in uu qiyaamaha rafiiq layahay nabigeena naxariis iyo nabad gelyo korkiisa  ha ahaatee.


DHAXALKA
Aayada 11naad ee suurada alnisaa ,wuxuu alle ku yiri  wiilku wuxuu leeyahay qadarka ay laba gabdhood qaataan.                                                                                       
يُوصِيكُمُ اللَّهُ فِي أَوْلَادِكُمْ ۖ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنْثَيَيْنِ ۚ فَإِنْ كُنَّ نِسَاءً فَوْقَ اثْنَتَيْنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَ ۖ وَإِنْ كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ ۚ


Qowlka alle waa xaq isagaana og oo inooga naxariis badan wiilasha iyo gabdhah aynu dhalay mana aha arintaasu dulmi ee waxaa ku jira xigmad alle aynu fahano ama yeynaan fahmine.

Maaha in gabdha cuqdad la geliyo.

Aayada waxaa alle ku sii sheegay hadii ay gabdho yihiin oo wiilal aysan meeshaa joogin in hantida uu waalidkoodu ka dhintay marka loo qaybiyo sadex meelood ay labo meelood leeyihiin,  hadii ay halgabara tahayna ay leedahay kalabar hantidii waalidkeed ka tegey.

Adiga oo aan suurad kale iyo aayad kale midna aadin bal aayadan dhamaystir

Waxaa inoo soo baxay in xaaladaha dhaxalka ee caruurtu ay kala duwan yihiin, halkan waxaynu ku haynaa sadex xaaladood,  

1 wiilal iyo gabdho wada jira 
2  gabdho badan 3 hal gabara.

Xaalada koowaad wiilasha iyo gabdhuhu qadar la ciyimay oo dhaxalka ah looma sheegin waxaa la sheegay oo keliya in wiilkii uu leeyahay inta labo gabdhood helaan  waxa ay qaybsanayaan waa wixii baaqi ka noqda hadey jiraan dad qadar cayiman leh oo dhaxalqaatayaasha ku jira sidaa aabe iyo hooyo iwm.

Xaalada labaad waa gabdho badan waxaa loo cayimay sadex meelood labo meelood

Xaalada sadexdaad waa markay hal gabara tahay waxaa loo cayimay  kalabar hantida waalidkeed ka tegey.

Waxaa xusid mudan haday wiilal keliya noqdaan ama hal wiil uu noqdo meeshaan laguma cadayn laakiin sida cad waxay qaadanayaan wixii baaqi ka soo noqda dadka wax loo qadaray ama hantida oo dhan hadii aysan joogin cid wax loo qadaray.

Dadka dhaxalka qaata waxay u qaybsamaan labo qaybood, qaar qoondo la cayimay qaata iyo qaar suga marka ay kuwa qoondada lihi qaataan wixii ka soo hara qaata.

Iswaydiintu waxaa weeye labadaan qolo yaa tixgelin la siiyey  ninka layiri adigu waxaad xoolahaan ku leedahay 50% 25% 33% 66% iyo qofka layiri adigu sug hadii dadkaas wax ka soo haraan baad leedahay?

Aniga aragtidayda waxaa la tixgeliyey qofka qadarkiisu u cadyahay.

Ogow  inta wax loo cayimay waxaa u badan dumarka dhaxalqaatayaasha ah

Kuwa wax sugaana waa raga  in dumarku marmar ay galaan kuwa wax suga waxaa u sabab ah rag la dhashay.
Qofka bini aadmiga ah noloshiisa waxaa laf dhabar u ah  cuno cabitaan astur ama dhar iyo meel uu ku hooydo (guri) qofka dumarka ah inta ay yartahay waxaa intaas daruuriyaadka ah u qaba aabeheed ama cidii booskiisa joogta sida awoowe,adeer iyo walaal iwm.

aabuhu maaha oo keliya in lafaray cunto iyo biya sii oo keliya ee waxaa la faray in uu hagaajiyo aadaabteeda markii ay gaarto xilga guurkana uu u dooro qof diin iyo akhlaaq leh si ay xuquuqdeeda markasta u hesho.

Gabadha markii loo guuriyo nin oo ay noqoto xaas  waxaa ninku qaadayaa masuuliyadii cunto cabitaan dhar iyo guri.

Inta badan dumarku ama waa gabar yar cid ayaa masuul ka ah ama waa xaas oo ninkeeda ayaa kafaala qaaday.
In miisaaniyadii qofka dumarka ahi uu u baahnaa meel la saaro waxaa u sabab ah duuruufaha la xiriira haweenka sida nuglaanta, xaamil noqoshada, nuujinta ilmaha, mashquulka caruurta iyo xaafada oo ah halka qoyska laf dhbarta u ah.

Hadana  qofka dumarka ah baahiyihiisa oo dhan iyada oo cid lo saaray  lagama xayuubin xuquuda qofnimo ee ah inay rayigeeda maskaxdeeda iyo hal abuurkeeda ku biiirinayso kolba cida ay talo wadaagaan lakiin madaxa sare waa ninka oo cidina ma dafiri karto.

Marka qofka dumarka ah ma qof meel iska fidhiya oo aan wax shaqo ah qabanayn baa?

Maya waxay qabanaysaa shaqa kasta oo guriga iyo reerka ku saabsan ee ay awoodi karto waxaaba jira shaqooyin aan cid ka bedela kartaa aysan jirin oo ka dhib badan shaqooyinka ragu qabto.

Tusaale hadii ilma yar ay haysato waxay saacadkasta ka shaqaynaysaa ilmaaha yarka nuujintiisa cuna siintiisa dhiqitaankiisa sanado ayey sidaas ku jiraysaa  dulqaad ayey u leedahay oo ilaah baa u laylyey hadii ilmahaas loo dhiibo nin raga oo layiraahdo halmaalin  oo keliya hay ma awoodi karo  oo umaba samaysna qaabka ilmaha loo hayo ama loo maaweeliyo .

Taas bedelkeeda ninka ragaa waxaa u fudud wax aysan dumarku awoodi Karin , ragu dumarka way ka xoogbadan yihiin oo ilaahbaa abuuritaankaba ku kala duway, waxay qabankaraan waxyaabo aysan haweenku awood u lahayn in ay qabtaan sida in wax culus la xamaalo.

Hadeynu niraahno si dumarka aynu raga ugala mid dhigno waa in shaqaalaha dekada ka xamaala dumar lagu daraa oo markab sibirah ay wax ka dejiyaan  sow laynala yaabi maayo oo la oranmaayo dumarka waad ku tacdiyeysaan mase waa cadaalad .

Soomaalidu ereyga cadaalada macnihiisa waxay u yaqaniin  in wax la simo oo keliye.

 Hadaba cadaaladu ma aha sidaas , cadaaladu waa in wax walba meeshay leeyihiin la dhigo

Cadaaladu waa in la simo labadii shay ee siman lana kala kaxeeyo labadii shay ee aan sinayn.

Hadii aad sinto laba shay oo aan sinayn waa dulmi ee maaha cadaalad

Almuhiim wax kasta aan booskiisa dhigno inaga oo diinteena ku miisaamayna.

Aabaha iyo hooyadu waa labada waalid ee ilmaha dhalay midkastaana ilmihiisa waa uu ku dhibaatooda korontiisa daryeekiisa wax baristiisa iyo wixii lamid ah  waxaase labada dhibaato badan hooyada oo ilmuhu caloosheeda ku koro rafaad,  culays, xanuun,umulid nuujin xanbaaris kala kulanta, intaas oo uusan aabuhu la kulmin.

diinteenu waxay dadka islaamka ah fadhay in ay waalidkood u wanaag sameeyaan  taas oo bedel ka ah soo barbaarintoodi ay soo barbaariyeen iyagoo aan waxba qabsan Karin  wanaag u samaynata labada waalid waxay u kala mudan yihiin sidii ay ugu  kala duwanaayeen soo barbaarinta ilmaha ,  hooyadu waxay leedahay 75% halka aabaha la siiyey 25%

Sadex jeer ayey hooyadu aabaha ka xaqleedahay marka afrad ayuu yeelanayaa.

Mawaynu orankaraa dumarkii baa wax loo buriyey  jawaabtu waa maya, way mudantahay hooyo intaas iyo kabadanba.


Wixii sixitaan iyo ra'yi ah wan soo dhowaynayaa

Qore :  Bootaan Muuse Maxamed

             garas114@gmail.com
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner