Posts

AKHRISO:- Maxaa ka soo Kordhay Kulankii dhex maray Gudoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Nairobi?

AKHRISO:- Maxaa ka soo Kordhay Kulankii dhex maray Gudoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Nairobi?

Magaalada Neyroobi ee dalka Kenya waxa kulan ku wada qaatay gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Somaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo xildhibaanadii dhawaan halkaasi ku kulmay oo sheegay in ay ka soo horjeedaan Siyaasada dowladda Cusub ee Somaaliya.

Inta uu kulanka socday ayaa mudane Jawaari,gudoomiyaha Baarlamanka Somaaliya waxa uu Xildhibaanada u sheegay in uu Wakiil ka yahay Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo)islamarkaana ay joojiyaan loolanka iyo Kulamada ay uga soo horjeedan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ay ka wadaan Gudaha Magaalada Neyroobi.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa Xildhibaanada ku wargeliyay in wax walba Miiska wadahadalka lagu dhameeyo islamarkaanka xal buuxa laga gaarayo tabashada ay qabaan Xildhibaanada.

Magaalada neyroobi ee dalka Kenya ayaa waxaa dhawaan ku kulmay Xildhibaano ku dhow 100,kuwaas oo sameestay Madal ay ugu magacdareen Horusocod,madashaas oo dadka qaarkood u arkan in ay tahay mid looga soo horjeedo Siyaasada Madaxda Cusub ee Somaaliya.

BAARGAAL.NET
ISHA WARARAKA HORUMARKA DEEGAANADA CALBARI
Developed by Jago Desain