Waraysi Eng. Maxamuud Xaaji Saalax : mooshinka waxaa la doonayay in xilka looga qaado madaxweyne Gaas, balse madaxweyne .....

Waraysi Eng. Maxamuud Xaaji Saalax : mooshinka waxaa la doonayay in xilka looga qaado madaxweyne Gaas, balse madaxweyne .....
Eng. Maxamuud Xaaji Saalax - sawir hore 

Eng. Maxamuud Xaaji Saalax oo ahaa wasiirkii Beeraha Puntland, ahaana Gudoomiyihii shir waynihii wadatashiga puntland oo wareysi siiyay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho, ayaa sheegay in mooshinkaas la doonayay in xilka looga qaado madaxweyne C/Wali Maxamed Cali Gaas, balse madaxweyne Gaas uu arrinkaa u weeciyay golaha wasiirada, baarlamaankana go’aankaa ay qaateen.

Eng Maxamuud ayaa sido kale Madaxweyne Gaas ku eedeeyay in heshiisyada uu soo galo baarlamaanka uusan la socodsiin, taasina ay keentay in hadda baarlamaanka ay daba gal ku sameeyaan hey’adaha Puntland.

Eng Maxamuud Xaaji Saalax ayaa ku tilmaamay lacago shilin Soomaali ah oo been abuur ah oo ay daabacatay xukuumada Gaas in ay sababtay in shacabka hadda ay ka horyimaadaan maamulka Madaxweyne Gaas.

Halkan Ka dhagayso waraysiga Eng. Maxamuud Xaaji Saalax  uu siiyay Idaacada Dalsan oo ka hawlgasha caasimada soomaaliya ee Muqdisho

Developed by Jago Desain