Posts

DEG DEG: Maxkamada sare Kenya oo waxba kama jiraan ku tilmaantay guushii doorashada Uhuru Kenyatta


Maxkamada Sare ee Dalka Kenya ayaa goordhow ku dhawaaqday in natiijada doorashadii madaxtinimada dalka Kenya ee dhacday 8dii bishii Agoosto 2017 ay tahay waxba kama jiraan.

Maxkammada ayaa amartay in doorasho cusub lagu qabto mudo 60 maalmood gudahood ah, isla markaana natiijada doorashada ee madaxweyne Uhuru Kenyatta aysan waxba kama jiraan ay tahay.

Durba markii uu xukunka maxkamadda soo baxay ayaa qeybo ka mid ah magaalooyinka waaweyn, waxaa ka bilawday mudaaharaadyo qaarkood lagu soo dhoweynayo maxkamada sare iyadoo qaarkoodna lagu diidan yahay go’aankaasi.

Go’aanka maxkamadda waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare David Maraga.

Go’aanka Maxkamada Sare ayaa ahkama danbeys, mana lahan wax racfaan ah.

Tani waxay ka dhigan tahay in musharixiintii ka qeybgashay tartanka madaxtinimada ay dib ugu laaban doonaan doorashada markale la qabanayo taasoo ku dhici doonta ugu danbeyn horraanta bisha November.Kimi
Developed by Jago Desain