SAWIRO : Tartan Isboorti ah Oo Lagu Maamuusayay Maalmaha Ciida oo Lagu qabtay Dagmada Baargaal



waxaa maantay degmada Baargaal ee gobolka gardafuu lagu qabtay Tartan lagu maamuusayay maalmaha ciida iyadoo ay ku tartamaayeen xaafadaha iyo kooxada ka dhisan degmada Baargaal .


Ujeedka Tartankaan ayaa ahaa mid loogu dabaal dagayay Maalmaha Ciida, laguna dhiirigalinayay dhalinyarada dagmada Dargaal.


Tartankan oo ahaa mid ay soo abaabulen maamulka Degmada Baargaal iyo ururka dhalinyarada degmada ayaa galabtay si rasmi loogu qabtay degmada waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiinta Gobolka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan kuwaaso u soo dawasho tagay kulanka xiisaha iyo xamaasada badnaa.


waxaa kamid ahaa marti sharafta kulankaan ka soo qayb galay Gudomiyaha degmada Baargaal Abuukar axmed yuusuf , xoghaya degmada Baargaal siciid cawil dhuxul , isuduwaha dawlada hoose ee gobolka gardafuu mudane C/qaadir Maxamed jaamac ( C/qaadir Caato) Gudomiyaha Dhalinyarada Degamada Baargaal iyo gudoomiyaha sportiga degmada baargaal mudane jabra cabdi axmed Macalimiinta iyo maamulada kooxaha & Marti sharaf kale oo badan

kulankii galabtay ayaa waxa Ciyaartii kamadanbaysta ahayd ee finalka isugu soo haray kooxda fc Barfisco iyo kooxda fc Star iyadoo dawadayaashii kulankan ay si wanagsan ula riyaqeen. madaama labada kooxba ay radinayeen guusha walow uu kulankan ku soo idlaaday barbar-dhac.

kulankii galabtay ayaa waxa khudbado u Badnaa Dhiira Gelin ka Jeediyay Mas’uuliyiintii Ka Qeyb Gashay kulankaan Oo Bogaadiyay In Tartankaan uu ahaa mid Is Dhex Gal Bulsho loona Sameeyo Dhalinyarada iyo bulshada Reer Baargaal.


xoghayaha degmada mudane siciid cawil dhuxul oo hadal yar ka jeediyay ciyaarta ayaa uga Mahadceliyay Doorka ururka dhlinyaradu ay ka Qaadaneyso Horumarinta Dhalinyarada Iyo Barnaamijyada Wacyi Gelinta, Isagoo Tartankan Loo Qabtay Dhalinyarada uu Ku Sifeeyay Mid Sare U Qaadaya Niyada Dhalinta maanta.

kulankaan ayaa waxaa loo qabtay labada kooxood ee fc Barfisco iyo fc Star inkastoo kulankaan uu ku dhamaaday barbar dhac 0:0 madaama labada kooxba ay is mari wayeen.


ugu danbeyn waxa uu kulankaan ku soo dhamaaaday jawi farxadeed iyo dhamaan ciyaartoyda labada kooxod oo ku faraxsan natiijada kulankaan.


Yaxye Jr 
Baargaal - Gobolka Gardafuu
Yaxye740@gmail.com














Developed by Jago Desain