Golaha degaanka Degmada Caluula ee Xarunta Gobolka Gardafuu ee Dowlad Goboleedka Puntland oo maalmihi la soo dhaafay la dhaarshay ayaa maanta doortay Gudoomiyaha degmada iyo Ku xigeenkiisa
Doorashada oo lagu qabtay Xarunta Dugsiga Hoose Dhexe ee Caluula ayaa waxaana Xilka Gudoomiyaha degmada Caluule u tartamayay 2 murashax oo kala ah Dr. C/laahi Ciise Saalax iyo Axmed xaaji ashkar (Shiino) oo ka tanaasulay musharaxnimadiisa asagoo sheegay in murashaxa la tartamaaya uu u qiraayo inuu aad uga aqoon badanyahay uuna dalka wax badan u qaban karayo kana saari karo dhibta waxaana codayn gacan taag ah ay 27 xildhibaan oo soo xaadiray madashay ay u codeeyeen musharax Dr. C/laahi Ciise Saalax oo noqday gudomiyaha golaha deegaanka degmada Caluula ahna duqa degmada caluula
Halkan Ka dhagayso Hadalka Musharax Axmed xaaji
Intaas kabib ayaa waxaa loo gudbay doorashada Gudoomiye ku xigeenka oo uu isu soo sharaxay Ciise maxamed cali (Ciise dheere) oo kaliya waxaa u codeeyay 24 xildhibaan sidaasi wuxuu ku noqday gudoomiye ku xigeenka cusub ee degmada Caluula
intaasi kadib waxaa madasha khudbado ka jeediyay masuuliyiintii iyo cuqaashii ka soo qaybgashay doorashada ayagoo u hambalyeeyay gudoomiyaha cusub iyo ku xigeenkiisa ,ilaahna uga baryay inuu ku guuleeyo hawsha culus ee loo igmaday waxayna dhamaantood ballan qaadeen inay la shaqaynaayaan maamulka cusub
,balan qaadayna inay muhiimada koowaad siin doonaan soo celinta haykalka dawladnimo ee degmada wada shaqayn fiicana la yeelan doonaan golaha deegaanka , odayaasha , iyo waxgaradka degmada lana imaan doonaan waxa qabad dhameestiran oo ku aadan Balan qaadkii ay saameeyeen inta ay Musharaxiinta ahaayeen
sidoo kale ayaa waxaa madasha lagu soo bandhigay suugaan isugu jirta gabayo iyo baraanburo lagu dhiiri galinaayo looguna hambalyaynaayo maamulka cusub
Halkan Ka dhagayso qayb kamid ah
SAHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada CAlbari
Caluula - Gobolka Gardafuu
Email:Baargaal@gmail.com