DHAGEYSO: Xildhibaanno sheegay in ay mooshin ka keeni doonaan qorshaha imaaraatku kula wareegaayo dekedaha Soomaaliya

DHAGEYSO: Xildhibaanno sheegay in ay mooshin ka keeni doonaan qorshaha imaaraatku kula wareegaayo dekedaha Soomaaliya

Muadisho -Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey qorshaha imaaraatku kula wareegaayi dekedaha soomaaliya .

Xildhibaannada saxeexay mooshin ka dhan ah dekedaha Imaaraadku maalgashanayo ayaa waxaa ka mid ah Sacdiya Salaad oo ka mid ah Xubnaha Barlamaanka Soomaaliya ee Puntland lagasoo doortay oo waraysi siisay VOA

xildhibaan sacdiya salaad ayaa sheegtay in Barlamaank Soomaaliya uu mooshin ka wado dekedaha Soomaaliya ee Imaraadku la wareegayo waxaa ay eedayn u jeedisay madaxwaynaha Puntland oo ay sheegtay in uu arinta dekada dardar galiyey markuu maqlay mooshinka Barlamaanka Ku joojinayo waxaa ay tilmaantay in lacagtu dhisi karto 2 dekadood Gaasna rabo in uu shacabka hantidooda iyo Guryahooda burburiyo.

Waxa kale oo ay sheegtay in aysan ka soo horjeedinta horumarka Puntland balse ay diidantahay Ku tagri falka iyo burburinta hantida shacabka .

Halkan Hoose ka dhageyso waraysiga xildhibaan Sacdiya Salaad Xaaji

Developed by Jago Desain