Boqorka Sacuudiga oo Xabsiga Dhigay 11 Amiir & Wasiiro

Boqorka Sacuudiga oo Xabsiga Dhigay 11 Amiir & Wasiiro

In ka badan 10 Amiirada ka tirsan Qoyska Boqortooyada iyo Wasiiro ayaa xabsiga loo dhigay arrimo la xariira Musuq Maasuq sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Boqorka Sacuudiga Sabtidii xalay.

Ugu yaraan 11 Amiiro ah oo ay ku jiraan kuwo xilal Wasiiro ka haya iyo kuwo horey Wasiiro usoo ahaan jiray ayaa la sheegay in la xiray.

Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa waxaa kamid ah;
1- Amiir Mitaab bin Abdullah – Taliyaha Ciidamada Jamhuuriga oo ah wiil uu dhalay Boqorkii hore ee Cabdallah kaasi oo horey loo filayey inuu kamid yahay xubnaha ugu awooda badan.
2- Adel Faqih – Wasiirka Dhaqaalaha3-Abdullah al-Sultan Taliyaha Ciidamada BaddaWaxaa sidoo kale jira tira Amiiro ka tirsan Qoyska Boqortooyada oo uu kamid yahay Maalqabeenka caanka ah ee Prince Alwaleed Bin Talaal oo kamid ah Milkiilayaasha Shirkadaha Twitter, FOX iyo City Group, ayaa la sheegay in loo xiray baaritaanka musuq maasuqa ee socda.

Waxaa sidoo kale xubnaha la xiray ku jira Waleed bin Ibrahim Al Ibrahim oo ah Mulkiilaha Warbaahinta MBC.

“…Waxaa jira xubnaha Danahooda gaarka ah ka hormariyey danta guud ee dalka, iyagoo baadi goobaya maal….” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Boqor Salman.Boqorka Sacuudiga ayaa Sabtdii xalay dhisay Guddi la dagaalanka Musuq Maasuqa oo uu Guddoomiye u yahay Maxamed Bin Salmaan dhaxalsugaha, kuwaasi saacado yar kadib bixiyeyamarka lagu xiray xubnahan.Waxaa la aaminsan yahay in tilaabadan ay tahay mid uu ka danbeeyo dhaxalsugaha Maxamed Bin Salman oo dagaal weyn kula jira Xubnaha uu loolanka ka dhaxeeyo oo kamid ahQoyska Boqortooyada.

Bishii June ee sanadkan ayuu si kadis ah Boqorka Sacuudiga Salmaan uu xilka uga xayuubiyey Dhaxalsugihii hore ee Mohammedbin Nayef, isagoo ku bedalay Maxamed Bin Salmaan oo ah wiilkiisa horeyna u hayey xilka Wasiirka Gaashaandhiga.

Maxamed Bin Salmaan ayaa ah ninka hogaaminaya dagaalka ka socda Yemen, dhinaca kale wuxuusheegay inuu isbedal weyn ku sameyn doono Boqortooyada iyo mashaariicda Horumarinta illaa sanadka 2030.

Wuxuu dhinaca kale sheegay in uu dhaqan gelin doono ISlaamkii dhex dhexaadka ahaa sheegayna inuu xaquuq dheeraad ah siin doono haweenka, dhinaca kale wuxuu xabsiga dhigay wadaado xagjir ah oo horey uga soo horjeestay go’aankii haweenka loogu ogolaaday inay wadi karaan gaadiidka.

Dhaxalsugaha oo loo yaqaan magaciisa lasoo gaabiyey ee MBS ayaa dhinaca kale wada dagaal xoogleh oo uu awooda uga xayuubinayo xubnaha uu xukunkiisa uga cabsi qabo ee kamid ah Qoyska Boqortooyada, dhamaan xubnaha uu bartilmaamsanayo ayaa ah kuwa xiriirada caalamiga ah leh isla markaana uga khibrad fiican dhanka maamulka.
Boqorka Sacuudiga oo Xabsiga Dhigay 11 Amiir & Wasiiro
Developed by Jago Desain