Culimo ka digtay Dhaqan Fool xun oo mudooyinkan kusoo kordhayay Muqdisho

Culimo ka digtay Dhaqan Fool xun oo mudooyinkan kusoo kordhayay Muqdisho

Muddooyinkan waxaa magaalada Muqdisho si isa soo tareysa ugu soo badanayey dhaqan fool xun oo ah in marka qof la dilo qaabkii la doonaba dilkiisa ha ku yimaadee ay eheladiisu diidaan in la aaso meydkiisa iyagoo wata shuruudo iyo gorgortan.

Dhaqankan ayaa soo bilowday dhowaan markii degaanka Bariire ay ciidamo Soomaali iyo Maraykan isugu jira ku laayeen dad beeraley ah markii xog qaldanla siiyey.

Ugu yaraan toban qof oo intooda badan hal beel ka soo wada jeeda ayaa lagu dilay weerarkaas, waxaana beeshu ay diiday in la aaso dadkan illaa dowladu ka bixineyso mag dhow, iyagoo muddo todobaad ka badan ku hayey qaboojiye, waxaan dadkaas la aasay markii qoysaskooda la siiyey midkiiba lacag mag ah oo gaareysa$70,000 oo dollar.

Waxaa xigay dhacdooyin dhowr ah oo tanoo kale ah, waxaana ka mid ahaa nin shacab ah oo lagu dilay saldhiga Booliska Heliwaa kuwaasoo qoyskiisu ay diideen iney aasaan muddo dhowr maalmood ah iyagoo shuruud ka dhigay in marka hore lasoo qabto askariga dilay wiilkooda oo baxsaday.

Sidoo kale, Oday todobaad ka hor xiligii lagu dilay degmada Kaaraan ayey eheladiisu is hortaageen in la aaso iyagoo ku adkeysanaya inaan la aaseynin illaa la soo xiro askari la sheegay inuu ka dambeeyey dilkaas oo isna aan gacan laguheynin.

Dhacdadii u dambeysay ee la xiriirta falkancaadada noqday ayaa hadda taagan markiiXildhibaan ka tirsan Baarlamanka Galmudug oo maalmo ka hor lagu dilay Muqdisho ay eheladiisu diideen in la aaso, iyadoo xitaa uu xiran yahay ninkii falkaasi geystay oo ka mid ahaa ilaalada xildhibaankale oo ka tirsanaa Baarlamanka Somalia.

Falkan caadada noqday ee lagu gorgortamayo meydka qof dhintay oo la is’hortaagayo aaskiisa si loo fuliyo shuruudo la wato ayaa waxaa ka digay culimada Soomaaliyeed oo sheegaya iney xad gudub iyo meel ka dhac ku tahay xurmada uu mudan yahay Meydka qofka dhintay oo diinta Islaamku ay qabto in aaskiisa la dedejiyo.

Culimada ayaa waxay ka digeen inuu sii socdo dhaqanka noocan ah oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid fool xun oo ayka dhalaneyso carro Eebbe, waxayna ku baaqeen in wixii xal u baahan ee ku xeeranmeydka qof la dilay ay haboon tahay in laga wada hadlo aaska ka dib.
Developed by Jago Desain