WAR DEG DEG AH: Baarlamaanka Puntland oo warqad deg deg ah u diray M/weynaha Puntland !!

WAR DEG DEG AH: Baarlamaanka Puntland oo warqad deg deg ah u diray M/weynaha Puntland !!



Baarlamaanka Dawlad goboleedka Puntland ayaa isku raacay warqad deg deg ah oo loo diray Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas & Golihiisa Xukuumada, taas oo ku saabsan difaacid iyo ka hortagida Daan-daansiga maamulka Somaliland.

Baarlamaanka ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay dood gaar ah ka lahaa Arrimaha Doorashada Somaliland ee laga fulinayo deegaanada Xaduuda kuyaala iyo Amniga guud.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa warqad deg deg ah u diray Madaxweynaha, taas oo uu kaga dalbanayo in deg deg loo fuliyo afar qodob oo muhiim ah

.Warqadda guddoonku u diray Madaxtooyada dawladda Puntland, qodobada ugu waa weyn ee looga hadlay ayaa kala ah.

*.In Xukuumada Puntland si deg deg ah uga howlgasho, sidii aysan deegaanada Puntland ee Dastuurku qeexayo aysan uga dhici laheyn Doorasho maamulka Somaliland.

*.In aan wax doorasho ah aysan kadhicin Karin gobalada Sool, Sanaag & Cayn, lana sugo Amniga iyo Difaacaha Xaduudaha gobaladaas si deg deg ah.

*.In Xukuumadu gudato waajibka Dastuuriga ah ee Difaaca dalka, kana hortagto faragalinta Qaawan ee maamulka Somaliland, sidda uu qabo qodobka 7aad ee Dastuurka dawladda Puntland.

*.In Xukuumadu soo saarto baaq ku aadan faragalinta Somaliland ku hayso Puntland, ugana digto Beesha Caalamka in ay garab kusiiso Somaliland falalka guracan.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain