Markii ugu horeysay muddo labaatan sano ah .. Shirkadda Turkiga AlBAYRAK ayaa bilaabaysa mashruuc lagu nadiifinayo hoosta dekedda Muqdisho

Markii ugu horeysay muddo labaatan sano ah .. Shirkadda Turkiga AlBAYRAK ayaa bilaabaysa mashruuc lagu nadiifinayo hoosta dekedda Muqdisho

Shirkadda Turkiga ee Bayraq ayaa billowday subaxnimadii Isniinta mashruuca lagu nadiifinayo dekedda caalamiga ah ee Muqdisho markii ugu horreysay muddo ku dhow 20 sano.

Waxaa ka qeyb galay munaasibada bilowga mashruucan, Masuuliyiinta dowladda fedraalka , oo uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mehdi Axmed Guuleed, Wasiirka Dekedaha Maryan aways, iyo sidoo kale agaasimaha shirkadda turkiga ee Alberk Sami Erol.

agaasimaha shirkada Albayrak Sami Erol, ayaa ku sheegay shir jaraa'id, in mashruucan uu kamid yahay  mashaariicda ay ulajeedo  shirkadu inay kor ugu qaado adeegyada dekeda Muqdisho, si ay uga dhigto dekedda muqdisho dekeda ugu muhiimsan dekedaha bariga afrika. 

masuulkan ayaa intaa ku daray in shirkaddu ay  isticmaasho qalabka ugu dambeeyay si ay nadiifiso haraadiga burburka maraakiibta, iyo inay soo saarto  ciidda xirtay dhinaca  hoose ee badda.

Ka dib markii la dhamaystiro mashruuca, awoodda dekeddu waxay kor u qaadimi doontaa  min 4 ilaa 5 doonyood oo xiligan ah waxayna gaari doontaa min  8 iyo 9 maraakiib waaweeyn, ayuu ku daray.

Dhiniciisa, Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa sheegay inay bogaadinaayaan doorka shirkadda Albayrak ay ka qaadanayso horumarinta dekedda Muqdisho iyadoo ka nadiifinaysa qashinka badda dhexdeeda 

Guuleed wuxuu sheegay in uu rajeynayo in mashruuca uu gacan ka geysan doono adeegyada dekadaha iyo in uu soo jiito maraakiibta ganacsiga ee caalamiga ah.

ujeedooyinka mashruuca sida ay shirkaddu sheegtay ayaa ah si kor loogu qaado awoodda qaadida ee dekedda, iyo sidii loo nadiifin lahaa qashinka  hoose ee badda si ay u kordhiyaan adeegyada maraakiibta ganacsiga.

Wasiirka Dekedaha dawlada fedraalka Maryan aways ayaa dhinaceeda sheegtay in mashruuca uu qayb ka ahaa heshiis ay kala saxiixdeen shirkadda iyo xukuumadda tan iyo markii ay gacanta ku dhigtay shirkadu  maaraynta dekadda September 2014-kii.

Wasiirda ayaa tilmaamtay , in mashruuca ay ka mid noqon doonaan qaybo badan oo ka mid ah dekeda, oo ay diiradda saari doonaan ballaarinta qoto dheer ee dekedda ilaa 14 mitir dhinaca hoose ee badda, iyada oo qashinka laga saarayo dekeda si loogu diyaariyo inay ku soo xirtaan maraakiib ganacsi oo waawayn.

Shirkadda "Alberk", ayaa isbedelo waaweyn ku samaysay shaqada dekedda Muqdisho, taas oo  ka qayb qaatay kordhinta  tirada maraakiibta ganacsiga in maalin kasta ku soo xirta dekeda .

Isha warka laga helay: alanadol
Developed by Jago Desain