Madaxweynaha jamhuuriyada fedraalka soomaaliya mudane maxamed cabdulaahi farmaajo oo ku guda jira safarkiisii loogu magac daray cocdaalka nabada soomaaliya ayaa maanta ayaa Manta oo taariikhdu tahay 11.Jan.2018, dhagax dhigay wada isku xiri doonta kalabayr ooka tirsan gobolka bari ilaa magaalada caluula ee xarunta gobolka gardafuu oo baahi badan loo qabay in laga hirgaliyo jid laami ah
shacabka iyo waxgaradka deeganaadsi ka soo jeeda iyo bulsho kale oo badan oo jecel horumarka iyo isdhexgalka bulshada ayaa madaxweynaha dalka ku amaanay tabaadan lagu dhagax dhigay wadadan laamiga laga dhigayo ee isku xirta Dalka iyo deegaanadiisa bari ee fog fog oo ah deegaano ballaran waxsooraa badana leh iyadoo wadadni ay Dalka u leedahay muhiimad weyn, wax-weyna ka taraysa dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isku xirka Dalka
wadadan ayaa maraysa dhul dhan 560 km 11 degmo , 3 gobol iyo 275 tuulo waana dhulka dhaqaalaha ugu badan puntland waxay leeyihiin xoolaha nool, xabkaha maydiga , fooxa , beeyada , kaluunka iyo khayraadka badda , geedihii timirta oo ay deegaanadaasi caan ku yihiin iyo wax yaabo kale oo aan la soo koobi karin
Wadadan ayaa wax wayn ka badalaysa isu spcodka gobolada bari , karkaar iyo gardafuu
Halkan Ka dhagayso khudbadihii laga jeediyay