Wasiir ka tirsan xukuumadda Kheyre oo loo ganaaxay qashin lagu arkay Gurigiisa hortiisa

Wasiir ka tirsan xukuumadda Kheyre oo loo ganaaxay qashin lagu arkay Gurigiisa hortiisa

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in mid kamid ah Wasiirada Xukuumadda Xasan Cali Kheyre lagu ganaaxay qashin lagu arkay gurigiisa hortiisa.

Sida ay sheegtay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho  Dowladda Hoose ee Xamar ay Ganaax lacageed ku ganaaxsaday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur kadib markii Gurigiisa hortiisa lagu arkay Qashin buuxa oo laga rabay inuu ka qaado.
Sida ay Sheegtay Dalsan  Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa lagu ganaaxay lacag dhan Hal Milyan oo Shiilinka Soomaaliga ah kadib markii sida la sheegay Gurigiisa hortiisa lagu arkay Qashin.

Wararka ayaa intaas kusii darayo inuu Wasiirka bixiyey lacagtii lagu ganaaxay isla markaasna uu u hoggaansamay amarka Dowladda Hoose.

Waa markii ugu horeysay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre lacag lagu Ganaaxi isla markaana uu bixiyo,waxana tani ay ku soo aadeysaa xili ay weli jiraan Wasiiro kale oo u baahan in la dabagalo.

Inta badan Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkaa qashin iyo wasaq aad u badan welina Magaalada kama hirgelin sharci xakameynayo qashinka iyo ganaaxyo shaqeeyo oo la dul dhigay dadka leh Guryaha qashinka hor yaalaan.
Developed by Jago Desain