Fal Naxdin Leh:- Nin Hubeeysan oo Qooyskiisa ku Laayay Muqdisho

Fal Naxdin Leh:- Nin Hubeeysan oo Qooyskiisa ku Laayay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa Galinkii dambe ee maanta ka dhacay fal aad looga arga gaxay oo ay ka naxeen dadka Magaalada Muqdisho.
Falkaan ayaa ah kadib markii nin hubeeysan uu qoosykiisa ku laayay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.
Ninka ayaa dilay 4 Kamid ah Qooyskiisa oo kale ahaa 2  Wiil oo ay ilmo adeer ahaayeen Gabar la dhalatay iyo Xaaskiisii ugu dambeeyntiina isaga ayaa is dilay.
Ninkaan Falkaasi sameeyay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdul Qaadir Cadnaan  Dadka uu laayayna waxaa lagu kala magacaabi jiray Xaawo Maxamuud Cadaan oo ah Walaashiis iyo Cabdullaahi Maxamed Yalaxoow iyo Maxamed Tuuryare iyo Allaha u naxariisto Xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Xuseen Cali Kowshe ugu dambeeyntiina isaga ayaa istoogtay.

Ninkaasi ayaa rasaas ku furay qoosykiisa lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa in uu qaarijiyo qooyskiisa.
Madax katirsan dowlada ayaa gaaray guriga ay musiibadaan ka dhacday iyaga oo wada baaritaano arintaasi la xariirta.
Developed by Jago Desain