MADAXWEYNE MADOOBE OO U DIGAY HAY’ADAHA KA HAWL-GALA DEEGAANNADA JUBBALAND

MADAXWEYNE MADOOBE OO U DIGAY HAY’ADAHA KA HAWL-GALA DEEGAANNADA JUBBALAND

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa hay’adaha samafalka ee ka Hawl-gala Deegaannada uu maamulkiisu ka taliyo uga digay inay ku been-abuurtaan shacabka ku nool Jubbaland.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay kulan maamulkiisa uu la yeeshay hay’adaha samaflaka ee ka hawl-gala Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in maamulka uu hoggaamiyo loo ogolaado inay wax ka fuliyaan mshaariicda ay hay’adaha samafalku ka fulinayaan deegaannada maamulkiisa.

“Hay’adaha samafalka waxay si joogto ah uga been abuurtaan shacabka ku nool deegaanada uu ka taliyo maamuka Jubbaland, waayo waxay sheegtaan mashaariic aysan fulin inay fuliyeen, taasna ma ahan mid aan u dul-qaadan karno,” ayuu yiri madaxweyaha Jubbaland.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in hay’adaha samafalka laga doonayo inay ogolaadaan isla-xisaabtan dhab ah, si loo ogaado mashaariicda ay fuliyaan iyo faa’iidooyinka ay shacabku ka heleen.

“Hadde ma wanaagsana i la isku been abuurto… marka waxaan ku talinayaa in hay’adaha sheegta mashaariic aysan fulin inay deegaannadeenna isaga baxaan, kuwa doonaya inay si dhab ah u shaqeeyaanna ay hawlahooda sii wadaan, iyadoo dusha sare lagala soconayo,” ayuu Axmed Madoobe yiri.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ku dooday in shacabka ku nool deegaannada Jubbaland ay noqdeen kuwo magacooda dhaqaale lagu raadsado, wuxuuna sheegay inuusan wixii xilligaan ka dambeeya inaysan ogolaan doonin dhaqamada noocaas oo kale ah.

“Waxaan doonaynaa inaan hay’ad walba la xisaabtanno, hadde hay’addii aan ogolayn isla xisaabtan waa inay deegaannadeena ka baxdo oo aanay dadka deegaannada Jubbaland ku nool u been abuuran,” ayuu hadalkiisa ku daray Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn, Hay’ado badan oo kuwa samafalka ah ayaa Jubbooyinka ka hawl-gala, kuwaasoo intooda badan ka shaqeeya caawina shacabka ku nool deegaannadaas, inkastoo aysan wax jawaab ah ka bixin eedeynta uu u soo jeediyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.
Developed by Jago Desain