August 08, 2018

Puntland oo war kasoo saartay waxa laga yeelayo Oromada ku nool Magaalada Boosaaso

SHARE


Guddoomiyaha Gobolka Bari ee dawlad Goboleedka Puntland ayaa ku baaqay in la nabad geliyo dadka Oromada ah ee ku nool degaannada Puntland.
Waxaa uu ka hadlayay kulan dhexmaray Waxgaradka Oromada iyo maamulka Gobolka Bari oo ka dhacay magaalada Boosaaso.
Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo,Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in Nin Oromo ah oo dhawaan lagu dhaawacay Magaalada Boosaaso uu maamulka biixnayo daawadiisa.
Waxaa uu dhinaca kale sheegay in Somaliland ay siyaasadeyneyso colaadda Oromada iyo Soomaalida degaannada Puntland.
Madaxweynaha Somaliland ayuu ku eedeeyay in uu u gacan haatinayo Oromada degaannada Puntland hayeeshee Puntland ay ku filantahay nabad gelyadooda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo


SHARE

Author: verified_user