Burcad badeeda Somalida oo weeraray Markab ganacsi

Burcad badeeda Somalida oo weeraray Markab ganacsi

Koox la sheegay inay ahaayeen Burcad Badeed Soomaali ah ayaa ku guul darreystay inay qafaashaan markab laga leeyahay Hong Kong, kaasi oo maraayey meel ku dhaw biyaha Soomaaliya.
Rag dhallinyaro ah oo watey doon dheeraysa islamarkaana haystay qoryaha AK-47 ayaa la xaqiijiyay in Arbacadii aynu kasoo gudubnay weerar ku qaadeen Markabkaan, balse ay la kulmeen iska caabin.
Markabkan ayaa maraayey meel 340 nautical miles u jirta Magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyey iney badbaadeen shaqaalaha iyo dhammaan agabkii saarnaa markabkaasi.
IMB oo la socota dhaq-dhaqaaqyada Burcadda Badda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in markabkan uu galay halis weyn, balse ugu dambeyn iska caabin ay sameeyeen ciidankii saarnaa ay ku guuleysteen inay badbaadiyaan markabkaasi.
Dhanka kale, saraakiisha Midowga Yurub ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in lagu guuldarreystay in la qabto burcaddii weerarkaasi ka dambeysay.
Waa weerarkii Labaad oo sanadkaan ka dhaca xeebaha dalka oo ay Buracadda badaha ku qaadaan Maraakiib islamarkaana guul darreysta.
Developed by Jago Desain