Taariikhda Ururka Al-shabaab & waxyeeladiisa

Taariikhda Ururka Al-shabaab & waxyeeladiisa

(AllBaargaal:Faalo ) Run ahaan Alshabaab waa dhalinyaradii, hadda dugsiyada sare ama jaamacadaha ku jiri lahayd oo ku dhacay debinka Al-qaacida, dadaalka ay ugu jirto in ay ballaariso aagga ay kala dagaallamayso Maraykanka iyo guud ahaan reer galbeedka.

Magacyada la beddeshay (Abu Mansoor, Abu Salma, Abu Quteyba, Abu Muxsin, Abu Zeynab,..) iyo isbeddelka sida loo lebisan yahay, loo hadlayo, intuba waxay tilmaamayaan in meel aan Soomaali ahayn lagu abtirsado, ujeeddo ka duwan tan Soomaaliyana abuuran tahay. Markaas, ‘Al Shabaab’ wuxuu noqonayaa urur mayal-adag iyo mintidnimo darteed uga
soocmay ururadii Islaamiga ahaa ee ka dagaalamayey Soomaaliya tan iyo 1991kii, sida Maxkamadaha, Al Aslaax, Al Itixaad iwm. Waxaa hoggaamin jiray Aaden Xaashi Cayrow (Abu Muxsin Al-ansaari) iyo Sh. Xasan Afrax, ku xigeen.

Ujeedada Ashabaab:

Waxaa ka mid ah in ay
iyagu waddanka xukumaan, ciddii aan iyaga raacsaneyna ama ka fikrad duwanna la
dilo.
In shisheeyaha lala dagaalamo, ha noqdo mid Soomaaliya doonayo in ay
nabad ka dhalato iyo mid aan dooneynba.
Inaan xiriir lala sameysan karin
dalalka aan muslimka ahayn.
Soomaalida qabta in adduun-weynaha lala
macaamilo oo xiriir lala sameysto, ay yihiin Saliibiin ama gaalo-raac, loolana
dhaqmo sida gaalada kale.


Sidee xubin looga noqdaa?

Ma hayno tirada xubnahooda iyo hoggaanka sare ee ururka, waxaase sugan in Ashabab u badan yahay dhalinyaro da’doodu aad u yar tahay, una dhaxeyso 14 jir ilaa 22 jir.

Intooda badan waalid ku talo maahan, waxaana caqli-xada xubno ka mid ah kuwii ka soo soocmay ururada aan kor ku soo sheegnay, oo iyagu dad waaweyn ah, kana shaqeeya soo xareynta dhalinyarada da’da yar.


Haddii lagaa helo oo lagu bogaadiyo, waxaa lagu siinayaa tababar 3 bilood ah iyo
lacag fiican oo doollar ah, waxaana lagugu xareynayaa xeryo ku kala yaalla
degaannada Baraawe, Marka iyo Raaskamboni, midkood. Muqdishu haddii aad joogtana xarun ku taal Madina ayaa lagugu tababarayaa. Waxaa kaloo tababar 3 – 7 maalmood ah

Cadowga 1aad ee Ashabaab


Marka laga reebo ciidanka shisheeye ee dhowaan un yimid Soomaaliya, Cadowga koowaad ee Al Shabaab waa aqoonyahanka, saraakiisha, ganacsatada iyo waxgaradka, iyagoo ula baxay magacayada ah Cilmaani, Salibiyiin, Ridada iyo kuwo kale.
Waxaa Shirqool lagu dilay saraakiil sare oo oo dalka qiimo weyn u lahaa, waxaana ka mid ahaa:



  1. Gen Harag-shabeel,

  2. Gen Jilicow

  3. Gen Maxamed Cabdi,

  4. Gen. Sareenle,

  5. Col Garam Karam

  6. Col Seerjito

  7. Cali Iimaan Sharmaarke- Horn Afrik

  8. Mahad Axmed Cilmi- Horn Afrik

  9. Prof Cabdulqaadir, Machadka Simad ee Muqdisho

  10. Cali Muxyaddeen- Afhayeen Gobolka Banadir

  11. Da’uud Xasan - Maamulka Dugsiga Beledweyne

  12. Cabdulqaadir Yaxye – CB Nabadda

  13. Cabdalla Deerow Isaaq- Wasiirkii Dastuurka

  14. Guddoomihii Degmada Ceelbuur,

  15. Guddoomiyii Maxkamadda Degmada Beledweyne,

  16. Taliyihii Taliska Ciidanka Gobolka Hiiraan.

Sidoo oo kale, waxaa la khaarajiyey ilaa tobaneeyo guddoomiye iyo ku xigeenno ee Degmooyinka G/Banaadir. Waxaa kaloo la dilay madax kale oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka, Guddoomiyaha Gobolkana dhowr jeer baa la sigay. (sourse kasomo newspaper may 2008)


Dilka saraakiisha, Madaxda iyo aqoonyahanka kor ku xusan, badankood waxaa qirtay Ashabaab, welina waa socotaa magacyada dadka la dilay, kuwo kalena waa ku soo biiri doonaan













Developed by Jago Desain