Posts

Nigeria oo Balanqaaday In ay Ciidamo u soo direyso Soomaaliya

Wasaarada arrimaha dibada ee Nigeria ayaa sheegtay inay ciidamo nabadilaalineed u soo direysodalka Soomaaliya horraanta sanadka soo socda si loo xoojiyo nabadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Nigeria Ojo Mutuekwe oo saxaafadda kula hadlay magaaladaAbuja ayuu wuxuu sheegay in Nigeria ay tahay dal leh awood ciidan oo muhiim u ah ammaankaqaaradda Afrika sidaasi darteed ay ciidamo ugu soo dirayaan dalka Soomaaliya. Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay ka hortegi karaan waxa uu ugu yeeray iska caabintaka taagan dalka Soomaaliya Nigeria waxay soo diri doontaa ayuu yiri ugu yaraan saddex guutokuwaasi oo aad u tababaran, isla markaana qalab ahaan isku filan Waxa uu sheegay in laga sooqaadi doono ciidamada urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOMOC.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Nigeria ay haatan diyaar garoobayaan ayna xirxiranayaanqalabkooda si ay Soomaaliya u joogaan intaanay dhammaan saddexda bilood ee ugu horeeya eesanadka soo socda.
Developed by Jago Desain