Nin isugu jira Geed iyo Bani-aadam

Koonfurta magaalada Jakarta ee caasimadda Indonesia waxaa ku nool nin 36 jir ah oo la yiraado Dede. Ninkan waxa uu ahaa qof caadi ah. Markii uu jirsaday 15 sano ayaa waxaa dhaawac ka gaaray jilibka oo aan dhaawac sidaa u waynayn. Meeshii dhaawaca ka gaaray ayaa waxaa ka soo baxay wax buro u eg oo laakiin geed ah, waa laga jaray, haddana dib ayuu u soo baxay wuxuuna u gudbay jirka intiisa kale sida aad ku aragtaan sawirka. Dede waxa uu dhalay laba carruur ah oo kala jira 18 iyo 16, hooyadood way ka tagtay keligiis ayuuna koriyey. Dede waxa uu ku wel-welsanyahay in uu la dhiman doono mucjisadan haddii ay dhakhaatiirtu wax ka qaban waayaan


Developed by Jago Desain