Sheeko Dhex martay Nin reer Laascaanood Ah iyo nin Reer Hargaysa ah

Waabaa waxaa Sheeko dhexmartay Labo Nin, oo Midina yahay Reer Hargaysa, Midka kalena kasoo jeedo Gobolka Sool.

Labadii Nin markay in Cabbaara Sheekadii wateen, bay malaha Sheekadii la gashay Diinta iyo ka hadalkeeda. Maadaama ay u bogeen Naxariista Ilaahay iyo Caddaaladda Islaamka, ayaa waxaa Ninkii Reer Sool ahaa kasoo fakatay - Isagoo Madixiisa ruxaya- Ereyga aan Maqaalkaan Mowduuca uga dhignay ee ah
[Naxariista Alle nagu mannaystay waxaa ka mida, Inta Muslin naga dhigay buu Haddana Nabi Muxammed {S.C.W} naga soo dhexsaaray].

Ninkii Reer Hargaysa oo Saaxiibkiisa Reer Sool la sheekaysanayey waxaa dhinac maray Hadalkii Saaxiibkiis, wuxuuna u qaatay inuu leeyahay Nabi Muxammed Nin Dhulbahante ah buu ahaa, maadaama uu Ninkaan Reer Laascanood sheegay in iyaga laga soo dhexsaaray, wuxuuna Saaxiibkiis ku celiyey Su'aashii isagoo leh:

"Waaryaa Hebeloow, Dee Imminka ma waxaad i leedahay Nabi Muxammed annaguu naga dhashay?"

Ninkii Reer Sool inta Qoslay oo malaha ka yaabay sida hadalku u gees maray Saaxiibkiis ayuu yiri: Haa, Nabi Muxammed annaguu naga dhashay.

kama uusan Aamusin Ninkii Reer Hargaysa Arrintii uu Saaxiibkiis ka maqlay, oo malaha wuxuu is yiri (Hubsiino Hal baa la siistaaye) alleelehe ka salgaar Su'aashaada isagoo sii waydiiyey: Waar Ninyohow Miyaad Waalantahay! oo Hadda waxaad i leedahay Nabi Muxammed Dhulbahantuu ahaa?.

Inkastoo uu Ninkii Reer sool dareemay in Saaxiibkiis lunsan yahay oo uusan Fahmin ujeedadii uu uga Dan lahaa Weedhiisa, haddana wuxuu kusii adkaystay inuu Arrinkaba ka dhigo sida danbe ee uu Saaxiibkiis u qaatay, wuxuuna ku yiri, Haa Sxb, Nabi Muxammed sidaad sheegtayba annaguu naga dhashay.

Ninkii Reer Hargaysa isagoo yaabban oo malaha maqlay Arrin aan wali Maskaxdiisa iyoMaankiisa ka daadagin ayuu yiri, Waar Ina adeerow Haddii Nabi Muxammed (S.C.W) Adinka idinka dhashay dee waa kuma Nabigayagu?.

Ninkii Reer Sool Cabbaar buu aamusay, Ul dheer oo uu watana Dhulkuu ku xarxariiqay, wuxuuna ku yiri: Saaxiibow waxaan ummalaynayaa Nabigiinii inuu Nabi Luud yahay!!.

Ninkii Reer Hargaysa Inta haddiiba soo booday ayuu yiri: Waar iga walle kaasi hadduu Nabi kasoo haro inaanaan qaadane Nabi noo sheeg ama inagu kala wad Ninyohow.

Ninkii Reer Laascaanood inta Qoslay ayuuu yiri: War sxb Nabigu ma xumayne Qoomkiisii horaa xumaa, adinkuna Qowm-kiisa danbe oo fiican baa tihiine qaado waakaas Nabigiinuye.

"Waar wallaana kaas Nabi ka dhigan wax walba hadday dhacaan, dee iga wallee waan ku Nabi la'aan haddii kaasi noqdo Nabigayga ayuu yiri Ninkii Reer Hargaysa ahaa oo ay sheekadu dhexmartay Isaga iyo Saaxiibkiis Reer Sool

W/Q/Maxamed cismaan C/nuur Xaashi

Developed by Jago Desain