MAXAAD KALA SOCATAA MARAKIIBTA LAGU HAYSTO XEEBAHA SOMALIA

Waxaa laba bilood ka hor xeebaha soomaliya, laga afduubey sadex markab oo ay leeyihiin wadamada Talyaaniga iyo Masar oo ilaa hada Gacanta ugu jira Burcada Gacanta ku haysa maraakiibtaas.

Deegaankla xeebta ah ee lagu magacaabo Gacan oo 20-km u jira magaalada laasqoray ee Gobolka sanaag ayaa waxaa in mudo ah lagu hayey maraakiib laga kala leeyahay dalalka masar iyo talyaaniga maraakiibtaasi oo ah saddex markab ah.
Laba markab oo ah nooca kaluumysiga waxaa laga leeyahay dalka masar kan saddexaadna waxa alaga leeyahay dalka talyaniga waxaan marakiibtaasi laga qabtay xeebaha somalia gaar ahaanna Biyaha Sooamalida .

Maraakiibta kallumaysiga ee masar laga leeyahay ayaa kooxda Burcada ah ee haysata waxaa ay sheegeen in ay soo qabteen iyaga guranaya kalluunkii iyo khayraadkii soomaaliya isla markaana ay u adkaysan waayeen xalufka aay ku hayaan xeebaha somalia waxaana ay shegeen in ay ka qaadi doonaan lacago ganaax ah.

Markabka kale ee talyaaniga laga leeyahay oo lagu magcaabo Buccaneer ayaa waxa aay sheegeen in ay soo qabteen isaga oo doonayay inuu sun ku aaso xeebaha somalia isaga oo jiidanaya hamo waaweyn oo uu suntaasi ku sido.
Waxaa soo if baxayay baryihii ugu danbeysay in shaqaalaha maraakiibtaasi dul saaran ay heysato xaalad nolol xumo ayaa ka hadlay kooxdii afbuubatay maraakiibtaasi.

Waxeyna hoosta ka xariiqeen in dhamaan shaqaalaha saaran maraakiibtaasi ay haatan aad u wanaagsantahay xaaladooda nololeed.

Sidoo kale, Saxaafada oo xiriir la sameeyay kooxda haysata maraakiibtaasi ayaa la weydiiyay cida u xaqiijisay in maraakiibtaasi ay howlaha nuucaasi ah ay wadeen waxaana ay noo sheegeen in Captianka markabka talyaaniga ay waydiiyeen isla markana u u sheegay in labad haamood mid ka mid ah ay ku jirto Kimikal Halka hanta kalena uu ugu sheegay in ay ku jirto naafto lakiin kooxdaasi waxaa ay sheegeen in warkaasi uu yahay mid aanay rumaysanayn oo ay aaminsanyihiin in labada haamodba ay ku jirto Sun khatar ah.

Maraakiibta kale ee masar laga leeyahay ayaa waxa aay xaqiijiyeen inay horey saxaafadda xaalamka u tuseen marakiibta oo dhan isla markana ay wax cad tahay in ay yihiin marakiib kalluumaysi oo ay sitaan shabaagta lagu kalluumaysto oo ay qaataan oo kaliya marakiibta kalluumaysiga, iyo qalabka kaluumaysiga waxaana dul saaran kaluul aad u tira .

Dhanka kale, Afhayeenka Burcada marakiibtaasi gacanta ku haysa oo diiday in magaciisa saxaafadda laga sheego sababo uu ku sheegay miisaanka uu warkaani leeyahay ayaan waydiinay xaalada caafimaad ee shaqaalah markabkaasi waxaana uu sheegay in shaqaalaha maraakiibtaasi aanay xilligani ka warami Karin bacdamaa ay yihiin danbiilayan xeebaha somalia laga qabtay..

Mikoperi waa shirkadda leh milkiyadda markabka Buccaneer oo saldhig ku leh magaalada Ravenna waxay hore jariidada La Repubblica u xaqiijisay "in uusan shaku ku jirin in booyadahaan ay maran-yihiin".
Developed by Jago Desain