4-qof oo ku geeriyootay weerar subaxnimadii maanta ka dhacay degmada Ufayn

Weerar subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay tuulada Kub-dhexaad oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa inuu sababay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan oo lagu qaaday masjid ku yaala tuulada Kub-dhexaad oo hoostimaada degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodee 4-qof islamarkaana uu dhaawac uu ka soo gaaray 1-qof oo dumar ah oo ku dhowayd goobta uu weerarka ka dhacay.

Weerarkan oo ay gaysteen dabley hubaysan ayaa wararka waxaa ay sheegayaan markii weerarkaasi ay gaysteen inay goobta isaga baxsadeen.

Wararka laga helaayo deegaankaasi ayaa sheegaya inuu falkan la xariiro aanooyin qabiil oo u dhaxeeyo laba beelood walaalo ah oo wada dega deegaanadaasi,iyadoo heshiisyo horay u gaareen wax garadka labada beelood uu ka dhacay magaalada Boosaaso,hase yeeshee waxaan ilaa iyo iminka aan la’ogayn waxyaabaha keenaya dhibaatooyinka u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah.

Dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin dhacdooyinka saacadihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaano katirsan gobolka Bari.

wixii soo kordha kala soco Shabakada Baargaal.Net
Webmaster@baargaal.net
Developed by Jago Desain