Shirkii Uganda oo furmay iyo Yoweri Museveni oo codsaday in sanad loogu daro madaxwayne Shariif

Shirkii 19-aad ee kooxa xiriirka caalamiga Somaliya ee International Contact Group ayaa saacadihii la soo dhaafay si rasmi ah uga furmay hoteelka Miyonyo Beach ee magaalada Kambala.

Kulankaasi ayaa waxaa goobjoog ka ah madaxwayanaha dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi ka socda Dowladda KMG Somaliya oo ay kala hogaaminayaan Madaxwayne Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan,saraakiil ka socota Qaramada Midoobay,dowladaha daneeya arimaha Soomaliya,madaxwayanaha wadanka ugandha iyo marti sharaf kale.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghahayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Somaliya Augistine Mahiga oo ka hadlay kulanakasi ayaa cod dheer ku sheegay in aysan jiri doonin muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowlada isla marklaasina uu filayo in si rasmi ah ay doorasho u dhacdo.

Augistine Mahiga ayaa walaac ka muujiyay khilaafka u dhaxeeya sarakiisha ugu saraysa Somaliya,waxaana uu xusay in khilaafka u dhaxeeya saraakiisha ugu sareysa somaliya uu hakad galiyay wax qabadka DKMG ah ee somaliya.

Madaxwaynaha wadanka Uganda Yuweri Museveni oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in loo baahanyahay waqtigan in muddo ku siman hal sano loogu daro DKMG ah ee somaliya,waxaana uu xusay in taasi ay horseedayso in dowladu ay wax ka qabato waajibaadka horyaala,waxaana dhinaca kale uu codsaday in ICG inay ka taageerto dhaqaalaha ciidanka Amisom ee jooga Muqdisho.

Madaxwaynaha DKMG ah ee somaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay muddo ku siman 1 sano oo loogu daro somaliya,waxana uu xusay in DKMG ah ee Somaliya ay guulo isdaba jooga ka gaareen dagalka ay kula jiraan kooxaha ka soo horjeeda siduu sheegay.

Wariyaha Horseed Media ee ku sugan madasha shirka ayaa sheegay in la filayo in sidoo kale goobtaasi ay ka hadlaan maadxwayanaha dowlada Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud,afhayeenka baarlamaanka Somaliya,saraakiil kale oo goob joog ah shirka in ay iyana ka soo jeediyaan khudbado ay kaga hadlayaan aragtidooda salka ku haysa arimaha somaliya.
Developed by Jago Desain