U diyaargarowga Xuska 13-aad ee Puntland oo garoowe ka socda

Waxaa si xawli ah uga socda Caasumada Puntland ee Garoowe u diyaargarowga xuska asaaska sanadguurada 13-aadee Puntland taas oo guud ahaan magaalada oo dhan laga dareemayo, waxaa si wayn loo diyaariyay ciidanka noocyadiisa kala duwan ee ka qaybqaadan doona dabaaldagan iyo qaybaha bulshada Puntland oo si wayn diyaar ugu ah ka qaybqaadashada dabaaldagan, waxaana magaalada oo dhan ka dul babanaya Calanka Soomaaliya iyo astaanta Puntland oo si wayn loo qurxiyay. Baalayasha iyo goobta caanka ah ee Barxadda Garoowe ayaa lagu naqshadeeyay Astaanta Puntland, waxaana waddooyinka oo dhan dul heehaabaya Calanka Soomaaliya Astaanta Puntland oo la mataaneeyay.


Madaxda Puntland ayaa horay u sheegay in sanadguuradan ay ka duwanaan doonto kuwii hore oo si wayn loo xusi doono oo meelo kala duwan oo dalka dibadiisa iyo gudahiisaba ay ka dhici doonto iyadoo si wayn loo muujin doono ahmiyada ay leedahay maalintan. Madaxda Puntland oo ugu horeeyo M-wayne Cabdiraxmaan Faroole ayaa la filayaa in ay goob fagaare ah ay salaam ka qaataan ciidanka kala duwan ee Puntland oo si wayn loo diyaarshay, waxaana halkaasi lagu soo bandhigi doonaa gaadakaciyaarka iyo ciyaaro kala duwan oo si wayn loogu qanci doono. 




Shabakada Baargaal.net
Baargaal@gmail.com   / webmaster@baargaal.net

Developed by Jago Desain