Madaxweyne Cali Cabdallah Saalax oo dalkiisa dib ugu soo noqday

Maanta oo Jimce ah 23.09.2011 waxa si nabadgelyo ah ugu soo noqday dalkiisa Madaxweyne Cali Cabdallah Saalex ka dib markii uu muddoo 3 bilood ah dhakhtar iyo daawo ugu maqnaa dalka ay jaarka yihiin ee Sacuudi Carabiya ( KSA ). Sidaas waxa laga sheegay TV-ga Qaranka saaka 9kii subaxnimo.

Madaxweynuhu waxa uu is daaweyn ugu maqnaa dhakhtar ku yaal magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ka dib markii bilshii June 2011 dhaawac ka soo gaadhay isku day dil saaruukh lagu gamay masaajid uu ku tukanayay gurigiisa madaxtooyada dhexdiisa ee magaalada Sanca. Halkaas oo ay kula dhaawacmeen madax kale oo kuwii qaranka ah. Waxa kale oo iyaguna halkaas ku naf waayay koox ka mid ahayd ilaaladiisa iyo imaamkii masaajidka salaadda tukinayay. Saaruukhaas oo uu muran ka joogay ciddii ku soo riday oo ahaa farsamo casriyaysan.

Madaxweyne Saalex oo hor-u-marka dalkiisa ka soo bilaabay meel hoose xukunkana hayay muddo 33 sanadood ah ayaa waxa uu sida dalal kale oo Carbeed ka dhashay dalkiisa kacdoono lagaga soo horjeedo oo isugu jira kuwa nabdgelyo iyo qaar hubaysan oo kala ujeedooyin ah.

Madaxweyne Cali Cabdallah Saalex ayaa waxa uu isagu ku talinayaa in xukunka lagulakala wareego doorasho iyo sanduuq ee aan inqilaab, jabhadayn iyo xog lagula kala wareegin.



Shabakada Baargaal.net
Baargaal@gmail.com 
Developed by Jago Desain