Markab sida 400 oo Tan oo raashin Mucaamimo ah oo loogu tala galay in loo qaybiyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan degaanada Puntland ayaa maalintii 3-aad ku xiran dekedda magaalada Boosaaso

Markab sida 400 oo Tan oo raashin Mucaamimo ah oo loogu tala galay in loo qaybiyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan degaanada Puntland ayaa maalintii 3-aad ku xiran dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wasiirka maaliyada Puntlnad Dr.Faarax Cali Shire oo maanta  shir saxaafadeed ku qabtay Xarunta Wasaarada maaliyadu ay ku leedahay gudaha dekedda magaalada Boosaaso ayaa ka warbixiyey xamuulka uu Markabkaasi sido , meesha uu ka keenay iyo weliba cidda iska leh.

Wuxuuna sheegay in markabkani uu sido Raashin mucaawimo ah oo isugu jira Bariis , Sonkor , Caano iyo Timir iyo weliba qalab ay leeyihiin ciidamada loo tababaro la dagaalanka burcad badeeda ee ku sugan saldhigyada ay ku leeyihiin galbeedka magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in xamuulka uu Markabka dekedda magaalada Boosaaso ku xirani uu sido ay kamid yihiin Daawooyin iyo Gaadiid isugu jira Booyado , iyo kuwa xamuulka qaada oo loogu tala galay in raashinkan loogu qaybiyo dadka loogu tala galay , markaas kadibna ay ciidamada dowladu Isticmaali doonaan.

Ugu danbayntii Wasiirka maaliyada Puntland Dr.Faarax Cali Shire ayaa beeniyey war ayaamihii udanbeeyey ay dadku isla dhex marayeen oo ah in Markabkaasi uu saanad Mileteri u wado dowlada Puntland , wuxuuna sheegay in warkaasi uu yahay mid aanay waxba ka jirin islamarkaana waxa markabka dekedda Boosaaso ku xiran uu sidaa ay tahay deeq qalab iyo Raashin isugu jirta oo ay dowlad Imaaraadku Puntlnad ugu deeqday.


Developed by Jago Desain