Warbixin Dheer oo ku saabsan Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah oo ay fuliyeen labo ruux oo naftood hurayaal ah ayaan maalintii shalay ka dhacay xaruntii wasaaradda Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho, halkaasoo xafiisyo ay ku leeyihiin Ilaa Siddeed wasaaradood oo xukuumadda KMG Soomaaliya ka mid ah.

In ka badan 70  ruux oo u badan arday halkaas imtixaan ku galaysay si ay u heleen deeq waxbarasho oo dowladda Turkiga ay bixisay ayaa ku geeriyooday weerarkaas, tiro kale oo intaas ka badana way ku dhaawacmeen iyadoo weerarkaas oo ay sheegteen xarakada Al-shabaab loo adeegsaday Gaari xamuul oo waxyaabo qarxa iyo fuustooyin laga soo buuxiyay.

Ismiidaamiyeyaasha ayaa doonayay in ay qaraxaas ka fuliyaan xarunta ciidamada Nabadsugidda CIA-da oo ka soo horjeedda xaruntii Hargaha iyo Saamaha, waxaana la sheegay in askari ilaalo ka ahaa xarunta CID-da uu Gaarigaasi ka raacdeeyay albaabka hore ee xarunta, kadibna uu gaarigu u weecday dhinaca xarunta Hargaha iyo Saamaha isagoo daba galay gaari laga furay albaabka xaruntaas kadibna ay ismiidaamiyeyaashu qaraxa sidaasi ku fuliyeen.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay qaraxaas ay dadka badan ku dhinteen, wuxuuna Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay BBC-da qaybta Africa waxa uu sheegay in qaraxaas ay fuliyeen Xarakada Al-Shabaab, isla markaana ay ku dileen sida uu yiri mau’uliyiin ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya oo ku sugaa xarunta Qaraxa lagu weeraray.


Qaraxaas ayaa waxaa dadka ku dhaawacmay ka mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka dowladda KMG Soomaaliya, Macalin Cali Aadan iyo xogheyntii wasaaraddaas iyo sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo xubno kale, iyadoo dadka wax ku noqday ay ku jiraan dad ku sugnaa bannaanka xarunta iyo sidoo kale dad gaadiid saarnaa oo waddada hor marta xaruntaas marayay.

Waa qaraxii ugu qasaaro badnaa oo ka dhaca magaalada Muqdisho, kaasoo lala bartilmaameedsado xarun xafiisyo u ah dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo qaraxaasi ay siyaabooyin kala duwan u cambaareeyeen qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.

Dowladda KMG Soomaaliya oo qaraxaas ka hadashay ayaa sheegtay in 3 maalin Baroor diiq Qaran ku dhawaaqday, waxaana la dajiyey oo hoos loo dhigay Calanka Soomaaliya, halka Shaqalaaha dowladda guud ahaan si guud loo fasaxay muddo saddex cesho ah.

Baargaal.net
baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain