Caawi canuggaaga si uu u hormariyo awoodiisa wax akhriska iyo qoraalkaba

          
Akhriska ayaa ah furaha waxbarashada qaybaheeda kala duwan , mar hadii aad bilowdo inaad wax  akhrisid waxaa kuu Furmaayaa , aqoontii , akhriskuna wuxuu kamid yahay waxyaabaha ilmuhu ku jeclaado waxbarashada , marka si aad u jeclaysid ilmahaaga akhriska iyo qoraalkaba  waxaa raacdaa talooyinkan

 Akhrinta iyo qoraalka ka dhig mid ay reerka oo idil ku istareexaan


  • Caruurtaada ha u dareento wax akhrintaada mid aad ku faraxsantahay, wax qoraalkaagana mid aad ula jeedo badan ka leedahay.
  • Isku day in aad sameeysato usbuuciba saacado wax akhris ah.
  • Isticmaalka erayaada waxaa kor u qaadi karo cayaaraha qoyska wada cayaaro oo ku saabsan xirfadda luqadda sida kuwa loo yaqaano “ Scrabble ama Boggle”.
  • Samee wargeys qoyska ay wada qoraan. Qoys ahaan u curiya qiso caruurtana u  dir in ay “qisada” ayaga soo qoraan. Caruurta dhallinyarada ah ha ku qoraano kombiuuterka kaddibna ha u diraano asxaabta iyo qoyskaba.
  • Ka qeyb galka wax akhriska waxaa horumarin kara kulanka looga hadlaayo buugagta ay qoysku akhristeenA  Dooro buug qofkasta uu akhrin karo kaddibna la kulan qoyska si aad uga wada hadashaan qisada.
             Waxbarashada loo adeegsado kumbuyuuterka
  • Ku dhiiri geli in kumbuyuuterka qoraalka loo adeegsado. Canuggaada wuxuu kula xariiri karaa asxaabtiisa iyo waalidkaba waraaqaha lagu dirsada kumbuyuuterka isla markaana wuxuu horumarinayaa qoraalkiisa. Ku dhiiri geli in uu xitaa mashruucyada dugsiga laga siiyo in uu kumbuyuuterka adeegsado.
  • Haddii uu canuggaada isticmaalo shabakadda kumbuyuuterka waydii in uu ku tuso bogagga uu jecelyahay in uu eegto. La soco in akhriska shabakadda ay badanaaba tahay mid qodobadiisa tahay dulmar.
            TV ga dammi oo u jeeso wax akhris
  • Ha u sahlinin caruurtaada in ay daawadaan TV ga. Inta uu TV u ooli lahaa qolka jikada waxaa ka fiican in aad u dhigto  armaajo ay ka buuxaan buugagta, wargeysyada buugagta qosolka ah oo ay jecelyihiin.
  • Wada hadla canuggaada kuna heshiiya waqtiyada uu daawan karo TV ga usbuuc walba. Sidoo kale qorsheeya isticmaalka kumbuyuuterka  iyo cayaaraha.
  • La daawo canuggaada TV ga kana wada sheekeysta waxa aad daawaneysaan.
         Tusi canuggaaga in akhrisku uu yahay wax fiican
  • Ka billaw erayo gaa-gaaban, qiso gaaban, gabayo, iyo wargeysyo.
  • Ku dhiiri geli canuggaaga in waxa uu jecelyahay uu ka dhigo wax akhriska. Waxaa hubaal ah in ay jiraan buugag ama wargeysyo qoraayo wax alla wixii uu  jecelyahay in uu sameeyo.
  • Buugtu waa haddiyo fiican ee ku haboon caruurta.
  • Canuggaaga u raac dukaanka buugta lagu iibiyo.
  • Haddii uu canuggaaga jecleystay filim qisadiisa laga soo guuriyey buug, ku dhiiri geli in uu akhriyaa buugaas kaddib kolka uu daawado filimka. Kolka filimka la daawado way sahlanaaneysaa akhrinta buuga iyo fahamkiisaba.
  • Buugaa adiguna akhri oo kaddibna ka wada sheekeysta adiga iyo canuggaaga.
          U raac canuggaaga maktabadda
  • Ku dhiiri geli canuggaaga in uu buug soo deynsado u wax cusubna ka barto.
  • Hel buug adoo ku raadinaayo magaca qoraaga uu canugga jecelyahay.
  • Soo deynso buug ka hadlaayo kala doorashada xirfadaha shaqada.
  • Soo qaado buug laga qoray qof uu canuggaaga jecelyahay.
  • Waydii shaqaalaha maktabadda haddii ay jiraan buugag kale oo caruurtu ay jeclaadeen .
  • Canugga ha kuu doorbido buuga uu jecelyahay.
         Siiyaabo kala duwan ugu dhiiri geli canugga in uu wax qoro
  • Ku dhiiri geli canugga in uu wax ku qoro waraaqaha hambalyada dhalashada kaddibna uu u diro asxaabta iyo qoyska.
  • Talo weydiiso canuggaaga haddii ay dhibaato ku hayso. Isla wada qora liiska taladaas inta “faa’idada” iyo “khasaaro”ku jirto
  • Canuggaaga u kaxee maktabada buugta lagu iibiyo una soo gad wargeys cusub oo uu doorbiday asaga. Kula tali in uu wargeyskani yahay mid uu ka helaayo “talooyin”. Fikradahiisa meel ha ku qoro kolka ay ku soo dhacaanba.
  • Weydii canuggaaga in uu si joogta ah u qoro fartiin cusub oo lagu bedelo fartiinta ku duuban cajalada telefoonka.
  • Ku fikir in canuggaaga wixii muhim ah aad kula xariirtid si qoraal ah. Haddii aad canuggaaga u haysid fikrad ama arrin muhim ah, qoraal ugu gudbi, waydiisana in uu qoraal kuugu soo jawaabo.
  • Kula tali canuggaaga in uu wax ka qoro arrin asaga muhim u ah kaddibna uu codsado in lagu daabaco wargeyska degmada ka soo baxo.


       Xigasho Peel District School Board
Developed by Jago Desain