Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday hadal layaab leh oo aan horey looga maqlin oo ku aadan Al Shabaab?

Dowladda Kenya oo dagaalo xoogan kula jirta Xoogaga Shabaab, ayaa waxay shaaca ka qaaday hadal aanu horey looga maqal, ayna sidoo kale weli soo hadal-qaadin Xarakada A Shabaab.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Dowladda Kenya oo lagu magacaabo Cyrus Oguna , oo ka hadlaayay khasaaraha xoogan ee ay u geysteen Xarakada Al Shabaab, tan iyo markii Ciidamadda Dowladda Kenya ay gudaha u soo galleen dalka Soomaaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Al Shabaab ay ku dhex dhuumanayaan dadka qaxootiga ah.
“Ciidaadeena diyaaradaha dagaalada wada waxay ogyihiin in marka ay duqeymaha ka geysanayaan goobaha ay jooggaan Al Shabaab, inay ku soo dhex dhuutaan meelaha ay deggan yihiin dadka barakacayaasha ah, si’aysan wax-yeelo uga soo gaarin duqeymaha lala beegsanaayo” ayuu yiri Cyrus Oguna.
“Diyaaradaha dagaalada ee Kenya ma-duqeynayaan goobaha ay deggan yihiin dadka barakacayaasha ah, laakiin Al Shabaab waxaa idin sheegayaa inay soo wajahday cabsi xoogan, oo hadda waxayba marayaan inay ku dhex dhuuntaan dadka shacabka ah” ayuu markale yiri Cyrus Oguna.
Sidoo kale wuxuu ku faanay in Xarakada Al Shabaab ay ka dilleen ilaa 7,00 oo dagaal-yahano ah, tan iyo markii Ciidadamadda Dowladda kenya ay gudaha u soo galleen Gobolada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.
Cyrus Oguna ayaa wuxuu ku hanjabay inay sii wadi doonaan dagaalada iyo duqeymaha xoogan ay ku hayaan Xarakada Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray inaysan marnaba joojin dagaalada hawl-gallada ay dalka Soomaaliya uga sifeynayaan Al Shabaab, sida uu yiri.
Developed by Jago Desain