FAALO :1 sano kadib Ma jirto wax la yiraahdo Casayr State oo Baargaal iyo Caluula Ka Shaqeeya

Waxa muddadii Sanadka ahayd ee la soo dhaafay , Nimanka qurba joogta ee casayrland ku dhawaaqay tab, xeelad iyo hab-dhaqan ay ku qaraabtaan ama ku fuliyaan wixii ay markaas u arkaan in dantooda gaarka ahi ku jirto, u noqotay been ,
Run ahaantii sida wax u socdaan marka loo dhabogalo, waxa cad in Qurbajoogta Degaanka u dhalatay ay ayagu dibada ku soo hishiiyeen , ka dibna la isku deyey in dadka dushooda laga shaxo oo hawshii balanta lagu soo galay laga fushado. Waxaase caqli xumo ah in ummadda intaas le’eg ilaa xadkaas sida carruurta la isku dayo in loola dhaqmo oo iyaga oo soo taagan oo culimo iyo caamo leh, waayeel iyo tala qabeen leh, aqoonyahan iyo indheergarad leh, la isku dayo in lagu maaweeliyo wax la mid ah Boombalaha caruurta lagu ciyaarsiiyo oo aan hubo in aan ilmaha saddex sano gaaray lagu khayaamayn karin. ( sida diyaarad baa soo dagaysa , shirkado ayaa dalka imaanaaya , UN baa na aqoonsanaysa iwm

Hadaba Waxaa jira in marka Arin cusub timaado, dadka u horreeya oo raacaa ay yihiin sida aalaaba dhacda dadka Dan yarta ah , ama wax magardka oo aan waxna ka dambayn waxna ka daadanayn. Bulshada uu ka midka ahaa iyo hab-nololeedkiisii waxba ku haysan ama horumar ka rajaynayn, sharaf iyo karaamana ku lahayn in isbedelkaas dani ugu jirto oo uusan marna sidii uu ahaa hoos ka sii aadayn.

Marka waxan u sheegi lahaa Qurba joogta Degaanka , Lugooyada aad ku wadaan maxasta iyo Masaakiinta waxa kaliya oo ay soo kordhinaysaa waa fadeexad iyo foolxumo, idinkana magac iyo maamus xumo bay idinku tahay, kuna talo gala in awelba inta indhaha qabtaa idin arkaysey, iminkana xataa indhoolkii idin arko.

Waxa kale oo ay nimaakaas Lester city iyo Stockholm ka yimi ay markii hawshii ay wateen wax lagu qanci karo noqon wayday ay dadkii aqoonyahanka, waxgaradka, iyo tala qabeenka ahaa ay caruur iyo dumar aan afkooda iyo adinkooda tooni geyin ay ku kiciyaan , kadib markay riwaayada ay wateen ay ku raaci waayeen , taas oo ay ka dhalatay wax aan horay loogu aqoonin degaanada sida dhac bareer ah , dhagax tuur iyo nacayb dumarka, carruurta iyo wax-magaratada lagu beerayo oo la leeyahay reer hebel, ha la nebcaado

Waxa kale oo mudadii sanadka ahayd lagu arkay nimankaas isla weyni ay kaga horyimaadaan fikir kasta oo aan iyaga ka soo bixin iyo in aanay weligood raali gelin ka baxin khaladkooda ama dambiga ay galaan, isla markaana wax kasta oo ay sameeyaan ama iyaga ka dhacay ay sax u arkaan.

Anigoon hadalka dheeraynayn , Haatan haddii qoladan leh janadii baanu idiin wadnaa oo weliba ina leh horumar iyo meel baan saas ku gaaraynaa la oran lahaa albaakaas aad furteen ha la eego waxa ka soo gelidoono dhibaatooyin beesha dhexdeeda ah oo ka dhasha mashruucaas aad wadeen oo aad hormuudka u tihiin. Waxa hubaal ah in ay hoos eegi lahaayeen, waayo maskaxda ka dambaysaa waxan la walaaqday kuma ay talo gelin waxaas iyo wax u dhow toona, .
Waxay ahayd 17 april 2011 markii faarax dooxajoog uu idaacada VOA kaga dhawaaqay casayr state , asagoo cagta ku laaday go’aamadii beeshu ku gaartay shirkii baargaal , dhagahana ka cufaystay talooyinkii ay madax dhaqameedku usoo jeediyeen inuu kaga noqdo go’aankaas aan loo dhamayn .

Maxaase Ka Danbeeyay

Halkaan hoose ka akhriso :
Go’aamadii Kasoo Baxay Shirwaynihii Wadatashiga Beelaha Calbari & Laaso Surad

Lasoco Qaybta Labaad Todobaadka Danbe haduu ilaah yiraahdo

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain