Ma rabtaa inaad noqoto qof la jecelyahay

waxan jecleestay inaan halkan idiinku soo gudbiyo maqaal aad u tayo wanagsan fa'iidooyin badana leh
maqaalkaas oo sida cinwaanku ku xusan yahay ah qofka siduu ku noqon karaa qof la jecel yahay oo la ixtiraamo.
Hamoodin qofku inuu soo dhasho isagoo la tixgaliyo ama la jeclyahay. Laakiin waa wax la kasbado lana gaaro marka la maro dadaal iyo daal badan.

Ma rabtaa inaad noqoto qof la tixgaliyo oo la jecelyahay, hadaba isku tarbiyee sifooyinkan 20ka’ah:

Badi dhoola cadaynta, waji furnaanta “ muusoodka “
Si run iyo daacadnimo ku jirto u amaan qofkii u qalma adigoo ka madhan laba wajiilanimada, soo jiidasho iyo nifaaqba.

Ka fogow muranka iyo dood badanba waayo waa bilowga canaadka, colaada iyo kala gu’ida e.
Ula dhaqan dadka oo dhan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo adiga.

Iska yaree canaanta una cudurdaar qofkii kugu gafa ( kugu khaldama )
Iska ilaali cadhada siday doonto ha ahaato’e waayo waxay fal shaydaan. La soco caafimaadka iyo caqligana aad bay ugu daran tahay.
Badi salaanta, waayo walaaltinimada ayay xoojisaa.

Hadii aad awoodo sii Hadiyad haba yaraato qiimaheedu’e, ehelkaaga iyo asxaabtaadaba.
Isbar inaad dhagaysato qofka kula hadlaya, barona habka wax loo dhagaysto inta aadan baran habka loo hadlo.

Ka fogow balaayeysiga iyo baasaysigaba, rajadana iyo yididiiladana badi, waayo rajada oo la badiyo waxay kuu noqonaysaa taageero iyo xoog aad ku dhaafto waqtiyada adag e.

Iska jir qalbi adayga iyo calool adaaygaba waayo waa sifooyinka doqoniimada e.
Markaad fikrad soo ban dhigayso qof dareensii inay tahay wax aad wada leedihiin oo aanad ka fariidsanaynayn kana caqli badayn.

Iska jir isla waynida tusna dadka inaad tahay iyagoo kale, heerka aad doontaba aad gaadhid e, waayo Rabiigeen sw ma eego qofka isal wayn qiyaamaha, lan soco in Aadam iyo xaawo ay in wada dhaleen dhmmaanteen.

Badi saamaxaada iyo cafiga waayo nadaafada qalbiga iyo naftaba e.
Marka aad qof waaninayso ilaali dareenkiisa oo ha ku odhan ereyo dhaawacaya qalbigaysiisa iyo naftiisa toona.

Caawi oo garab sii qayrkaa marka ay kuu baahan yihiin waayo Rabi baa kuu kaalmayn doona maalainta aad baahatoe.
Iska ilaali dhaliisha aflagaadada iyo naqdiga badan waayo kalmada xumi qalbiga ayey wax yeeshaa, waxaa laga yaabaa inay colaad iyo nacayb isu bedeshoe.
Ha badin qosolka aan haboonayn - waayo qosolka aan macnaha lahayni haybada iyo daganaanta ayuu kaa qaadayaa e.

Isbar dulqaadka iyo adkaysiga waayo waa laba sifo oo Rabigeen iyo Rasuulku csw ay jecel yihiin
Ka faaíidayso waxyaalaha wanwanaagsan ee hareerahaaga ah noqona sida shinida oo kale waayo inta ay kolba ubax fuusho ayey kala baxdaa Manka iyo Muudkabaa

WQ: Faduma Sh Ibrahim
Developed by Jago Desain